UCID oo sheegay haddii uu talada qabto in uu fasaxi doono furashada Idaacadaha xorta ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa soo dhaweeyay heshiis dhexmaray Saxaafadda Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta xisbiga UCID Kaysar Cabdillaahi Maxamed, xisbigu waxa uu balanqaaday in haddii uu talada dalka ku guulaysto uu muwaadiniinta u fasixi doono furashada Idaacado iyo Telefishano madaxbanaan, isla markaana uu kobcin doono Saxaafadda Somaliland. Warsaxaafadeedkaasna waxa uu u dhignaa sidan; “Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada UCID waxa uu soo dhawaynayaa  Heshiiska ay saxeexeen laamaha kala duwan ee warbaahinta dalkeenka ee ku aadan Habdhaqnka Anshaxa Saxaafada ee xiliga Doorsahada ee shalay lagu saxeexay caasimada  Hargeysa, waxaana uu xisbigu kula dardaarmayaa in masuuliyiinta, tafatirayaasha, wariyayaasha iyo dhamaan shaqaalaha laamaha kala duwan ee warbaahintu ay maanka ku hayaan masuuliyada balaadhan ee ay u hayaan umadeena iyo kaalinta fiican ee ay geysan karaan kobcinta dimuqraadiyada dalkeena iyo adkaynta ilaalinta amaanka qarankeena, waxaana aanu usoo jeedinaynaa inay si masuuliyadi ay ku jirto ay u gutaan waajibaadkooda.

Xisbiga UCID waxa uu si weyn u aqoonsan yahay kaalinta lagu faani karo ee ay gaadhay saxaafada Madaxa banaan ee dalkeenu  tan iyo 1991kii, iyada oo aanu ka warhayno Tacadiya, Lugooyada iyo Cabdudhinta ay xukuumada dalkeena imika ka jirtaa ay ku hayso saxaafada madaxa banaan iyo masuuliyiinta ka hawl gala warbaahinta kala duwan oo qaar badan oo ka mid ah ay xukuumadu Xabsiga u taxaabtay iyaga oo gudanaya hawlahooda warbaahineed ee uu damaanad qaaday Qodobka 32 aad ee dastuurka qarankeenu.

Xisbiga UCID waxa uu ugu baaqayaa  Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland  Mudane Axmed Xaaji Daahir inuu ka dhabeeyo balanqaadka uu sameeyay ee ku aadan in warbaahinta ay xukuumadu gacanta ku hayso ay u sinaan doonaan Xisbiyada qaranku. Waxaanu soo dhawaynaynaa balanqaadka Wasiirka waxaana aanu rajaynaynaa in balanqaadkaasi uu noqdo mid hir gala oo ka duwan balanqaadyada lagu bartay Xukuumada Somaliland ee aan inta badan hirgalin.

Ugu dambayn, Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland ee UCID waxa uu ballan qaadayaa hadii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee inagu soo fool leh in uu horumarin doono laamaha warbaahinta ee dalkeena, si balaadhana u taageeri doono laamaha warbaahinta qaranka ee kala duwan iyo kuwa madaxa banaanba, waxaana Xisbiga UCID uu ballan qaadayaa inuu dalka ka dhisi doono laamo warbaahineed oo tayo leh oo dalka oo dhan si fiican u gaadha. Sidoo kalana waxaanu fasixi doonaa in muwaadiniinta Somaliland ay dalka keeni karaan Idaacado iyo Telefishino madaxbanaan oo aanu u samayn doono sharci nidaamsan oo lagu dhaqi doono.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com