Komishanka Doorashooyinka oo ka hadlay natiijada Diiwaangelinta iyo halkay marayso

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyey Liiska ka soo baxay Server-ka oo ay sheegeen inuu yahay kii doorashada lagu galayey oo 90% mid sax ah oo lagu geli karo Doorashada Madaxtooyada, halka ay xuseen in ay ku jiraan 10% khaladaad ah oo Server-ku ka saari kari waayey.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta si rasmiya shaaca uga qaaday natiijadii mudada dheer laga sugayay kala-shaandhayntii Server-ka ee codbixiyayaash doorashooyinka,iyagoo sheegay in la qabtay caruur gaadhaysa 70, 000, laguna soo daray dad 80,000 oo qof ah, islamarkaana ay doorashadu dhacayso xilligii ay hore u shaaciyeen ee Bisha June.

Sidaana waxay ku sheegeen shir jaraaid oo ay saaka ku qabteen hudheelka Imperial ee ka soo horjeeda Xrunta Komishanka, ugu horayna Afhayeenka Komishanka Maxamed Axmed Geelle, ayaa sheegay doorashada ay geli doonaan dad gaadhaya hal milyan iyo dhawr boqol oo qof

Hadalkiisa ooo dhammaystirana waxa uu u qornaa sidan:

“Waxaanu goosanay in Doorasho la galo horta, Su’aal baanu isweydiinay Liiska inoo soo baxay imika ee aynu hayno ma ku gali karnaa Doorasho, oo midaynu Ummadeena u sheegi karno oo aynu odhan karno liiskaasi waa liis hagaagsanoo waynu ku gali karnaa ma yahay waxaanu isla qaadanay khalad waa ku jiraa, khaladkana lama heli karo wax boqolkiiba boqol ah 100%  sax ah. markaanu isku celcelino tirada ay ahayd liisku oo inta badan dadku ay isweydiiyaan inkastoo tii kama danbaysta ah ahayn markaanu toddobaatan kun ka saaray ( 70,000), sideetana ay ku soo kordheen ( 80,000) tiradii halkii uun bay taagnaanaysaa laakiin macnaheedu maaha waxba lama qaban., oo waxa la qabtay boqol kun oo qof ( 100,000) oo kombuyuutarku ka saaray iyo toddobaatan ku oo qof ( 70,000) oo lagaga saaray gacanta iyo Isha.  waxaanu go’aansanay inaanaan dadka dib ugu celinin xaaladii uu soo maray September 2009 kii ee isku-dhaca keentay ee Liis Diiwaangalineed halagu galo iyo Diiwaangalin la’aan halagu galo la isku qabsaday ee aad ogaydeen ee dad ku baxeen ee dhiig ku daatay, Liis fiicanbaa inoo soo baxay oo boqolkiiba Sagaashan 90% aynu odhan karno sax buu yahay haduu khalad ku jiro ugu badnaan 10% baa ku jiraya inkastooy inta badana meelaha qaarkood ka yar yihiin.”

Waxa jiray Heshiis Sadexda Xisbi Qaran ay wada galeen ooy Bulshada Caalamkuna qayb ka ahayd oo ahaa in Komishan cusub la sameeyo, in Doorashada soo socota lagu galo Diiwaangalin, in Serverkii xumaaday ee ciladu gashay loo soo kireeyo khubaro caalami ah oo baadha oo eegta oo sifaysa inta la sifayn karayo, kadib marka ay sifeeyaan wakhtiga ay dhameeyaana Komishanku ku go’aan qaato wakhtiga Doorashada iyo nidaamku dhacayaan.

Sifaynta markaan u soo noqdo waxaanu u qorshaynay afar marxaladood inuu maro, midi waxay ahayd mid Kombuyuutarka lagu sifaynayo oo elektaroonikali kombuyuutarku isagu qabto wixii ku celceliyay ama khalad ah, midna waxay ahayd in kombuyuutarka iyo isha aadamiga la isku daro oo lagu qabto wixii kombuyuutarku garan waayo, midna waxay ahayd in kaadhadh cusub la soo sameeyo oo deedna liiska inoo soo baxa ee intaynu sifayno loo soo bandhigo.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com