TACSI uu dirayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Mohamed Mohamoud ( Siilaanyo ) isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan qoyskiisa, xubnaha Hoggaanka sare ee Xisbiga, Guddiga fulinta , Golaha dhexe , taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga, waxa uu tacsi u dirayaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Food , oo hooyadii  Cosob Guure Xuseen Habeenkii xalay ahaa ku geeriyootay Magaalada Hargeysa . Gudoomiyuhu waxa uu marxuumada Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo iimaan ka siiyo.AMIIIIIIIIIIIN, AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN, AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN