Halkan ka daawo Kormeer ay Hoggaanka KULMIYE ku soo mareen dadkii waxyeellada Roobabku gaadhay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbigaas, ayaa maanta kormeer ku soo maray Xaafadihii iyo eheladii dadkii ay waxyeellada soo gaadhsiiyeen Roobab shalay ka da’ay Hargeysa.

Kormeerkan oo ay Guddoomiyaha ku wehelinayeen masuuliyiin kale, ayuu ka ballan-qaaday in Xisbi ahaan ay dadkaa wax tari doonaan, isla markaana wuxuu ku baaqay in gargaar degdeg ah lala soo gaadho.

Halkan ka daawo kormeerka iyo baaqa Guddoomiyaha;

Dhinca kale, waxa iyana maanta kormeer kan la mid ah xaafadahaa ku soo maray Guddoomiyaha UCID iyo masuuliyiin ka socotay Xukuumadda.