Anshaxa Saxaafadda ee Doorashada oo la saxeexay iyo ballan-qaadkii Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Kulan laba maalmood socday oo lagu falan-qeeyay, isla markaana lagu ansixiyay Anshaxa Doorashada ee Saxaafadda, ayaa maanta lagu soo gebogebeeyay Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Komishanka Doorashooyinku, isla markaana ay maalgeliyeen Akaademiyadda Nabadda iyo Hay’adda Interpeace, kana qayb galeen dhammaan dhinacyada Warbaahinta dalka, ayaa lagu soo gunaanaday Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Halkan ka daawo Munaasibaddii gebogebada kulankaa;