WARSAXAAFADEED: Xisbiga KULMIYE oo xubin cusub ku daray magacaabista Guddida musdambeedka Doorashada
KU: MD. C/NAJAX SIYAAD AW CABDI
OG: GUDDOOMIYAYAASHA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA EE XISBIGA
UJEEDDO: KU DARID GUDDIGA MUSDAMBEEDKA XISBIGA
Tixraac warqadda summadeedu tahay XK/G/00263/10 , kuna taariikhaysan 18/03/2010 ee ujeedadeeduna tahay Magacaabista Guddiga musdambeedka ololaha Doorashada.
Markaan la tashi la sameeyey mas’uuliyiin badan oo Xisbiga ah, isla markaana garowsaday in doorkii dhalinyaradu ka maqan yahay Guddiga musdambeedka, waxaan magacaabay inuu ka mid noqdo Goomiyaha Dhalinyarad Xisbiga Kulmiye Md. C/Najax Siyaad Aw Cabdi Guddiga Musdambeedka ololaha doorashada Xisbiga KULMIYE.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
MD. AHMED MOHAMED SILANYO
GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
