Gabadh ka mid ah Hablo laga xaday magaalada Hargeysa oo lagu qabtay Nairobi

Hargeysa (Somaliland.Org)- Deeqa Xasan Jees oo ka mid ahayd sadex gabdhood oo dhawaan Hargaysa laga qafaashay ayaa la soo badbaadiyay kadib markii hawlgal lagu guuleystay ay sameeyeen qaar ka mid ah dad reer Somaliland ah oo degan Nairobi.

Warkan waxaxalay noo xaqiijay Xasan Jees oo ah Aabaha dhalay inantaas oo xalay isagoo ku faraxsan arrintaas nala soo xidhiidhay kadib markii uu in muddo ah la walbahaarsana qafaalashadaku dhacday inantiisa oo uu markii hore la’aa meel ay jaan iyo cidhib dhigtay

Waxaanu Aabaha Inanta la helay dhalay sheegay in gabadhiisa lagu qabtay magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo ay kooxdii qafaalatay ku haysay guri ka mid ah iyagoo doonayay inay u sii gudbiyaan Dalka Koonfur Afrika, balse nasiib wanaag ay inantu ka soo hadashay halkii lagu hayay, kadibna si khiyaamo ah dad degan Nairobi oo halkan lagala xidhiidhay markii la ogaaday halka lagu hayo ay khiyaameeyeen inanta iyo kuwii haystayba

Xasan Jees waxa uu sheegay in gabadha ay kaxaysteen dad reer Koonfureed ah, waxaanu intaa ku daray inuu shaki ka qabo Caafimaadka inantiisa oo uu sheegay dadka wax Afduubta ee nidaamkaa ku shaqeeyaa inay Maskaxda dadka bedelaan si aanay qofka ugu suurtagalin Go’aan inuu qaato

Aabaha inanta dhalay waxauu sheegay hawlgalkaa markii la fulinayay inuu Taliyaha Ciiddanka Booliiska ee Somaliland General Saqadhi qoraal u diray Ciidamadda Booliiska ee Kenya si aanay dadka inanta Qafaashay aanay u carqaladayn soo celinteeda taasoo lagu hagaajiyay Ciidamadda Booliiska ee Kenya, waxaana inanta dalka dib loogu soo celinayaa maalinta Arbacada ah. Iyadoo laga soo dejin doono madaarka berbera

xasan Jees waxa uu sheegay in aan illaa hada la hayn labadii Hablood ee kale ee inantiisa lala qafaasahay, isagoo walaac ka muujiyay arrintan oo ku soo badanaysa Dalka, muddadii uu ku guda jiray baadi doonkana dad loo tuhunsanaa arrintan oo la xidhayna la iska sii daayay iyada oo aan wax baadhis ah lagu samayan isla markaana ay shabakado dad ah oo xidhiidh la leh arrintani ay faragalin ku sameeyeen iyagoo u adeegsaday lacag iyo waji taas oo sababtay in uu waxba ka qaban kari waayay.

Xigasho: Waaheen