DALJIRE: Wareegto

DALJIRE:Wareegto

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal  duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha.  Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna  inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Maxamed Xuseen  Caabbi, Suldan Barre Warsame,Axmed muxumed Madar,Amina Yusuf Adan,Xasan Cali Muse……..

Doolaal:Waar waa maxay dee? Dadkan aad tirinaysaa ma awliyaa? Dee fooxana ku rid haddaba.

Dubbe:Oo idinku miyaa qof wanaagsan iyo qof xun kala taqaanaan? Haayoo waa awliyo. Waa guddidii cusbataalka Hargeysa . Billad sharaf baan ku tolayaa. Caqliga ina Rayaalena wuxuu la mid yahay dhakhtarkii uu  dawada u doontay nin qofac xumi hayo oo aan afkaa dhulka ka qaadayn ee siiyay xantoobo kiniinka sida ba’an caloosha  u socodsiiya ee yidhi danba qufaca waad uga baqan.

Doolaal:Oo maxaa ku dhacaya isagoo calooshu socoto hadduu qufaco?

Dubbe:Waar waynu qayilaynaa waxaa sheegii kari maynee, qaadku lacag buu nagu joogaaye, horta dee qufaciina kama daweyn calool socodna wuu ugu daay. Taa iska daayoo aniguna maanta wareegto ayaan soo  saaray.

Doolaal:waran kugu dhac. Maxaad wareegtada ku soo saartay halkanaad afka xun ee cagaaran kala haysaa?

Dubbe: “Afna daayoo..” bay tidhi islaantii. Maadigaa af ka hadlaya? Waar wareegtaan soo saaray waana tan ee u akhri mafrishka.

Doolaal:’aar xaggaa nooga du waxba akhriyi maynee.

Dubbe:Waar akhri waad akhriyiye. Haddii kale waa amar diido. Miyaanan Guddoomiye ahayn oo aan lay dooran? Waar Bilayskii Kulmiye layn jiray maye?Wallahi inaan Taliye Mooge la hadli.

Doolaal:Waar qofkan waalan xaggaanu ka qabanaa? Bal keen aan iska kaa aamusiinee.

Markaan tixgeliyay sida wanaagsan ee daacadda ah ee ay u shaqaynayaan. Markaan eegay wanaagga hor Ilaahay ah ee ay umadda ugu shaqaynayaan. Markaan eegay in hawsha ay hayaan If iyo Aakhiraba wanaag tahay. Markaan eegay sida ay bilaashka ugu shaqaynayaan oo aanay Ilaahay mooyee cid kale abaal kaga rabin. Markaan eegay sida ay maalkooda,muruqooda iyo  maskaxdoodaba ugu fideeyeen umadda waxaan go’aansaday inaan Guddida Wanaag farista iyo Xumaan Reebista kala diro.”

Bal ninka waalan eega. Oo ma adigay kuu shaqeeyaan sidaad u kala diraysaa? Ta kale wanaag bay sameeyeenna waad leedahay waan kala dirayna waad leedahay siday isu qabanayaan.

Dubbe:Wuxuu yidhi Huryo(AHN) “haddaa ma kuwayaga ayaa faraajiin ah.” Haddaa ma guddida dhakhtarka ayaa Ina Rayaale u shaqeeya muxuu ku eryay? Maxayse qabteen een wanaag ahayn? Allah ninku jecelaa mashruuc aanu dhisin oo uu xadhigga ka jaro iyo dad aan u shaqayn oo uu eryo.

Doolaal:Dee Wasiirkii bay la shaqayn waayeen oo amarkiisii diideen.

Dubbe:Bal waxaad ku hadlayso eeg. waar waxaa iska daayoo halkan waxaan kuugu hayaa maanso uu tiriyay Suugaanyahanka weyn, Ilaah baa weyne, ee la yidhaahdo Mubaarak Maxamed Nuur Qoorubaxay ee hoo.

Wuxu yidhi milgaha gabay

Murtidiyo sarbeebaha

Maahmaahda lagu ladhay

Micnihiyo naxwaha culus

Ninkastaa ha mariyee

Waxa uu ku mudan yahay

Maansada hogeediyo

Suugaanta muulka ah

Sida loogu meel deyey

Moqoraysi loo dhuuq

Miilo miilo laga dhigay

Badi laysku maandhaaf

Murankeed la sixi waa

Malaheedu yaab dhali

Nin kastaaba maankii

Isla noqoy mudh iyo toos

Madadaalo weydiyo

Iska maararoow noqoy

Hadaan macalinkeediyo

Hal abuurka mudankee

Beryo soo mushaawiray

Madal uu ka xaadiray

Masalahana loo dhigay

Cidi kaga maqnaanayn

Dadku wada macsuun yahay

Meertada xilkeedii

Maso loogu siman yahay

Markab wada shukaama ah

Midba dhinac u toocsaday

Murjis laysla beegsaday

Ilamaa miskaa sare

Lagu wada musuusuqay

Maro aan wax qarinayn

Iga dhimay macaankii.
Xaajada maroorkaa

Wuxu yahay masaalkeed

Intii uu muducigii

Ku maqnaa markhaatiga

Sowtii madaaclii

Miladii ku xaabsaday

Arintii malkada tiil

Ee loo mudaysnaa
Afartaa sidii mayay

Ama roob mahiigaan

Maasheeyay dunidii

Dhulka maysku labo rogay
Wuxu yidhi macnii guud

Geeljiroow midhkaad tidhi

Anigoon Masuugayn
Madaxweyne waa kii

Markuu waajibkii gudo

Milgihiyo xilkuu sidu

Dadku kaga mastuurtaan.
Madaxweyne waa kii

Maatada daryeela ah.
Madaxweyne waa kii

Maalintay u darantay

Dadku wada majeertaan.
Madaxweyne waa kii

Hirka Muuqday garan kara

Mishkiliyo dhibaatiyo

Mayay hooray kuu yahay.
Madaxweyne waa kii

Maahmaaho soo baxay

Murti kale ku dari kara

Hadalkana macayn kara.
Madaxweyne waa kii

Runtu ay u tahay magan

Beentuna ka madowdahay.
Madaxweyne waa kii

Moqoraysi tuugiyo

Musuqiyo xatooyadu

Noqon Meheradiisee

Maalkaa agoontiyo

Mushahaarka ka nabad galo.
Madaxweyne waa kii

Meertada xilkuu sido

Maalintuu ka soo dego

Magac fiican kaga taga

Dadkuna ay u mahadshaan.
Madaxweyne waa kii

Utun laysku maagiyo

Milil hore daweyn kara.
Madaxweyne waa kii

Marwadiisa odhan kara

Maamuuska sharafeed

Inta aad ka mudan tahay

Maandheey ku koobnoow.
Madaxweyne waa kii

Dadka uu u madaxyahay

Milatery ka weerayn

Ciidan meel fog tegi laa

Oo muquunin laa cadow

isagii ku meernayn.
Madaxweyne waa kii

Masalaha qabiilkiyo

U mudnaanta reernimo

Mayalkiisa daadihin.
Madaxweyne waa kii

Macaluusha darayada

Maxastiyo dadkoo qaday

Meydkiyo xabaalaha

Maryiina kala bixin.
Madaxweyne waa kii

Mansabkiyo kursiga jilan

Intuu xeerka baal maro

Manaxaan sidiisii

Ku muraadsan danihii.
Madaxweyne waa kii

Magalooti suu yahay

Midhna aanu ku lahayn

Maaraha xadiidiyo

Iskaraab madoowiyo

Biro aan mushtarinayn.
Madaxweyne waa kii

Miisaanka waayaha

Marinada siyaasiya

Mulacyaynta garan kara

Hadba dhan isu mooskeed.
Waxba yaanan muudaha

Sheekada mucdeediyo

Ku fogaanin moolkee

Miisaan ka culus baa

Kuu yaal miscirirtee
In masiirku dhacan yahay

Qarankii la meersaday

Shacabkii madluun yahay

Maamuuska gobanimo

Laga fara maroorsaday

Hantidoodi maqan tahay

Meeqaamka noloshee

Biyuhu u mudnaayeen

Miilo loogu heli karin

Miyaa taa la moogyahay.
Runta lama masuugee

Inagaan is maax duman

Ama aan is moodsiin

Mudaciyo maxaadhkii

Cidla aan iskaga mudin

Horta eelku meeshuu

Mililkiisu yaaliyo

Halka ay melmelan tahay

Cudurkiyo masiibadu

Maanta aan abaaree.
Intii dawlad magaceed

Wadankeena soo maray

Weli maamulkaa jira

Mid ka liita maan arag.
Musuqmaasuq baa degay

Gobolaa dalkii maqan

Cadowgiina muruqiyo

Soofee mariidkii

UDUB kiina Meelaba

Murugiyo dhib mooyee

Ku fashilan Masiirkii

Citiraafna kaa maqan

Magaceed u bixin layd.
Talo maalin weeyaan

Maraad gaadhi waydiyo

Maray kaa murkucatee

Inta aanu muuqiyo

Miciyaha shabeelkiyo

Shaadhkii mabuutiyo

Macnihii afweyniyo

Muuse liini kugu noqon

Ka marooji wacanaa.

Dhamaad.

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A.   Geeljire