Dadka reer (Ex. British Somaliland) waxa laysku odhan jirey oo loo yaqaanay HUWAN

Ilaa iyo xilligii guumaysiga dadka reer Somaliland waxa loo yiqiin oo la isku odhan jirey magaca u tis-qaaday, kuna soo caano iyo nabadba maaleen ee HUWANTA ah, wuxuuna dalkooda Somaliland ahaa mid is-raacsan oo isku-tollan juqraafiyan oo aan sinaba ukala qaysami Karin, una kala hadhi Karin xag maamul, bulsho, baad iyo biyo wadaagba, wuxuuna dhaqankooda soo jireenka ahaa ku salaysnaa murtida ma-guurtada ah ee Oodi Ab ka Dhaw oo tixgelinteeda iyo qaderinteeda lahayd.

Sida la wada ogsoon yahay, wuxuu dalka Somaliland dalka Somaliya la leeyahay xuduud caalami ah oo la yaqaanno halka ay ka bilaabanto iyo halka ay ku egtahayba. Hase yeeshee, waxa la yaab iyo is-weydiin mudan riyada Garaadada ee khiyaaliga ah, kuna saleysan  abtirsiinyo cusub oo aan shaqayn kareyn xilligan casriga cusub ee loo joogo, iyadoo ay tahay Mustaxiil iyo waxaan suurogal ahayn in laysku hawlo sidii loo kala dhantaali lahaa midnimada iyo wada-jirka huwanta soo jireenka ah ee beelaha labada dhinac ee isku Gobollada iyo Deegaannada ah, loo dhex-dhigi lahaa colaad hor leh, si loo kala fogeeyo layskana hor keeno, kuwaas oo ah kuwa aan sinaba u kala maarmi Karin, loona kala qo-qobi Karin, iyadoo aysan marnaba suurogal noqon doonin in xuduud qabyaalad ku saleysan la dhex-dhigo deegaannada isku dhafan, isku noolka ah ee ood wadaagga ah.

Arrintaasi waxay horseedi karta bur-bur iyo dagaallo sokeeye oo ka dhasha Siyaasada kala qo-qobka iyo is-baaro xuduudka abtirsiimada ku dhisan ee la rabo in laga soo waarido Puntland, laguna beer laxawsanaayo dadka reer Sool iyo Buuhoodle qaarkood, waa mid jaahilnimo deegaan oo laga jaahil yahay, sida, labada dhinac ee Gobollada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag loo wada dego, waana wax aan suurtoobayn in xuduud abtirsiimo iyo qabyaalad ku dhisan la kala dhex-dhigo beelaha isku-huwanta ah ee ilaahay isku deegaan ku wada beeray, tusaale ahaanna, waa ayo cidda xuduud ukala samayn karta dadka iyo duunyada ku kala nool deegaannada is-barkan, sida:

1-Buuhoodle, Qori-lugud, Coodanle, Xadhadhanka i.w.m

2-Yagoori, Oog, Xuddun, Bohol i.w.m

3.   Awr-boogays, Gar’adag, Ceel-Afweyn, Dararweyne, Sarmaayo, Fiqifuliye, jiidale ilaa iyo Ceerigaabo gudaheeda oo la wada deggan yahay, loonna kala qaybin Karin hab beeleed aan maanta shaqayn kareyn.

Ugu dambayntii, waxaan uga digayaa dadka caadeystay debed ka hadalka ee aafo qabiilku madax maray, inay ka waantoobaan durbaanka dagaal iyo goonni u sheegashada deegaannada la wada deggan yahay ee aan sinaba look ala qayibin Karin, loonna kala dhex-dhigi Karin isbaaro qabiil iyo gidaar teedsan toonna, sida dadka qaarkii ee qabyaaladu indho tirtay ay ku riyoodaan, halka cadaawadu ka gaadhay awgeed.

By: Axmed Aadan Cali (Goodir)