Soo dhaweyntii wafdiga udub ee Minnesota

Soo dhaweyntii wafdiga udub ee Minnesota
Waxaa ka dhacdey Magaalada Minneapolis, Minnesota ee cariga maraykanka xaflad aad loo soo agaasimey oo lagu soo dhaweynayey wafdigii udub ee uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha ee soomaaliland mr. Cabdillaahi Ciro maanta oo taariikhdu tahay march-28-2010 laguna qabtey hotel Ramaada.
Xafladaas oo ay si hagar laaan ah u qaban qaabiyeen odeyaasha , waxgaradka iyo waliba dhalinyarada taageersan xibiga udub.Waxaa amaan gooniya iska leh Ibraahin Aayeh, Mohamed alle bari ,cabdicasiis cube, Axmed Xassan, Cabdixakiin X. Siciid iyo Qaar kale oo badan.
Wafdiga oo ka koobnaa 3 wasiir iyo laba xildhibaan mid baarlamaan ah iyo mid golaha guurtida ah.
Wafigu aad bey ugu mabsuudeen sida sharafta iyo qiimaha leh ooloogu soo dhaweeyey Minnesota waxay dhamaantood ka hadleen wax qabad ay qaban doonaan sanadah soo socda waxyaalaha ay tilmaameen waxaa ka mid ahaa: in ay dhamaan Hargeysa biyaha lagarsiin doonaan, laamiyo waaaweyn u dhisi doonaan warshadii sibidhka ee Berberana ay ka shaqysiin doonaan shaqooyin u abuuri doonaan dhaliyarada taasoo aad uga firxisay taageerayaasha udub ee Minnesota.
Waxaanu waftiga ugu tala galney soo dhaweyno kala duwan iyo barmaamujyo taxane ah iyo waliba sooryeyn aan hore loo maqal loona arkin abid intii ay wafuud kala duwan imaaneysay Minnesota.
Waxaa xusid gaar ah mudan Cabdixakiin Xaaji Siciid oo ka mid dadka degan gobolkan Minnesota kuwooda ugu dhaqaalaha roon oo bixiyey boqolkiiba sagaashan wixii ku baxay soo dhaweynta wafdigan balaaran ee udub, waxaan odhan karaa Cabdixakiin waa u daacad xibiga udub waana xubin firfircoon la’aantiis udub ka jiri Minnesota ilaahey ha noo dhawro.
Wa Bilaa towfiiq

Gudoomyaha Udub ee Minnesota
Hassan yonis
Hassanyonis40@yahoo.com