Masuuliyiinta KULMIYE ee Gobolka Selal oo ka warbixiyay xaaladdaha Bulsho iyo Siyaasadeed

Hargeysa (Somaliland.Org)- Masuuliyiinta Gobolka Salal kaga jira Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ka warbixiyay xaaladda Gobolkaas ee dhinaca adeegyada aasaasiga ah iyo tallaabooyin dhawaanahan Xukuumaddu qaaday oo fikirkooda siyaasadeed loogu xidh-xidhay Odayaal ka tirsan kuwa Deegaankaas.

Masuuliyiintan oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Xoghayaha guud ee Xisbigaas Keyse Xasan Cige, Guddoomiyaha Ololaha ee gobllada galbeedka Baashe Cabdi Gaboobe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbigaas.

Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Cabdi Siciid Faahiye oo si qoto dheer uga hadlay xaaladda gobolkaas ee dhinaca Siyaasadda. “Waxa jirta in Xukuumaddu dhawaanahan xidh-xidho Odayaasha Gobolka Salal oo qaarkood ilaa haddana ku xidhan saldhigyada magaalooyinka qaarkood oo ay Xariirad ka mid tahay.” Ayuu yidhi Cabdi, waxaanu sheegay in lagu xidhay Afkaartooda Siyaasadeed. “Waxa lagu xidh-xidhay waxa weeye fikirkooda siyaasadeed iyo markii ay Xafiisyadooda iyaga oo aanay cidi abaabulin ku xidheen Calanka Xisbiga KULMIYE.”

Cabdi Siciid Faahiye wuxuu sheegay in aanay Xukuumaddu waxba u qaban dadka ku dhaqan gobolkaas, isla markaana baahida ugu darani ay tahay Biyo-la’aan. “Magaalada caasimadda gobollka ee Saylac Biyo-la’aan bay la itaal daran tahay, waxa kale oo aanu halkan baaq ka diraynaa in uu jabay Ceelkii Banka Geriyaad ee Ceel Gaal, ilaa haddana ma jirto Biyoi-dhaamis loo sameeyay dadka  halkaa ku dhaqan. Waxaanu ku baaqaynaa in loo gurmado, sidii loo samayn lahaa Ceelkaas ama in Biyodhaamis la sameeyo.”

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maxamuud X. Cali oo sheegay in Xukuumaddu kala goysay magaalooyinka Lughayaha iyo Saylac, isla markaana ay Lughaya hoos geysay gobolka Awdal. “Adduunyada lama arag Madaxweyne meel qaata oo ku dara meel kale.” ayuu yidhi.

Maxamuud waxa uu sheegay in xukuumaddu curyaamisay arrimaha Garsoorka iyo dhaqaalaha Gobolka Salal. “Garsoor iyo Maxkamado toona ma jiraan Gobolka Salal, sidoo kalena waxsoosaarka kaliya ee Salal waa Milixda, taasna waxa is-hortaagtay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo dalka Yemen ka keentay Milix,, taas oo dhabar-jab ku ah dhaqaalaha gobolka iyo dalkaba.” Ayuu yidhi Mr. Maxamuud. Waxaanu ku baaqay in hoos loo eego xaaladda gobolkaas.

Gebogebadii, waxa isna halkaa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha KULMIYE ee gobolka Salal Faysal Cabdilaahi oo sheegay in loo baahan yahay in loo gurmado Ceel Gaal iyo guud ahaan deegaamada gobolka Salal oo uu sheegay in ay Biyo-la’aani ka taagan tahay.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com