Madaxii Nabad-sugidda Gobolka Togdheer oo ka hadlay sababaha uu isu-casilay

Burco (Somaliland.Org)- Madaxa Ciidanka Nabad-sugidda ee Gobolka Togdheer Yuusuf Cismaan (Jallaato), ayaa shalay sheegay in uu iska casilay xilkii taliyenimo ee uu hayay.

Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gobolka Togdheer, ayaa mar uu u waramay Warbaahinta qaarkeed, waxa uu sheegay in uu iska casilay xilkaa Taliyenimo ka dib markii sida uu sheegay ay habsocodka shaqadiisa ay soo food-saartay caqabado kala duwan. “Waxaan halkan ku caddaynayaa anigoo ah Taliyihii Ciidanka nabad-sugidda Gobolka Togdheer in aan iska casilay shaqadii Taliyanimo ee aan u hayay Ciidankaasi. Waxaanan u sheegayaa Madaxdii aanu wada shaqaynaynay in ay Xilkii aan hayay cid u magacawdaan.” Ayuu yidhi Mr. Jallaato.

Taliyuhu mar uu ka warbixinaayay waxyaabaha ku kalifay in uu xilkii uu hayay iska casilo, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Caqabadaha igu ka lifay in aan xilkan istiqaaladdiisa wareejiyo waxa ka mid ah, waxa kala ballaadhay awoodayada maamul ee aanu haysano iyo hawsha shaqo ee taalla Gobolka Togdheer oo ah Gobol ballaadhan oo xuduudu badan. Sidaa darteed, waxaan Go’aansaday maadaama xilkan iyo hawsha meesha taallaa kala badan yihiin in aan Iscasilo oo sidaa Xilka loogu dhiibo cid kale.” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa kale oo iyaguna ka mid ah arimaha aan Xilka kaga fadhiistay ee waxba laga qaban waayay Askar ka mid ah ciidankayga oo shaqadooda gudanaaya ayay Booliska Burco xidh-xidheen. Midda kale, khilaaf noo dhexeeyay aniga iyo ku-xigeenkayga Gobolka Togdheer, ayaa iyana haba yaraatee waxba laga qaban waayay.”

Geesta kale, Taliyaha Sirdoonka ee xilka iska casilay wuu ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin intaa ka badan.

Somaliland.Org

Burao News Desk

wararkasomaliland@gmail.com