Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay sababta hortaagan in Jabuuti Xafiis Ganacsi ka furato dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warar dhawaanahan soo baxay oo sheegayay in Dawladda Israa’iil ay qorshaynayso in ay aqoonsato Somaliland, waxaanay sheegtay inay heshiisyo la gashay Shirkad hore dalka maal-gashi ugu timi, balse aan waxba ka hirgelin.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay suurtogal tahay inay heshiis la gasho Shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska oo hore dalka u timi, balse aan dib ugu soo laaban oo la yidhaahdo Polere. Waxaanu sheegay oo kale in Xukuumaddiisu heshiis la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka oo hore u dhagax-dhigtay Wershadda Sibidhka Berbera oo ay sheegtay inay dhisayso, balse aan iyana soo laaban.

Wasiirku wuxuu ka hadlay oo kale waxyaabaha uga qabsoomay socdaal Wefti uu ka mid yahay oo Somaliland ka socdaa ku joogaan Maraykanka iyo ciddii u dambaysay ee ay la kulmaan. Isla markaana waxa wax laga waydiiyay Donald Payne iyo in ay la kulmeen.

Mar uu Wasiirku u waramayay Idaacadda VOA, laanta Afka Soomaaliga, ayaa Waraysi dheer oo lala yeeshay iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;

S: Wasiir, waxaad nooga warantaa u jeedada booqashada weftiga aad hogaaminaysaa ay ku yimaadeen dalkani maraykanka, yaadse la kulanteen?

J: Waxaa na soo casuuntay xukuumadda Maraykanka, sidaasaanu ku nimi dalka. Wallaahi dad badan baanu la kulanay, xukuumadda ayaanu ugu horeynba is aragnay, waxaa kale oo aanu is aragnay waaxyaha qaranka madaxdiisa u qaabilsan afrika guud ahaan. Ilaa shan jeer baanu iswada aragnay. Shirarkayaguna runtii si fiican bay noogu dhamaadeen, kulankayagii ugu dambeeyeyna waxaanu is-aragnay kaaliyaha xoghayaha u qaabilsan Afrika Johnie Carson.

S: Guud ahaan madaxdaas maxaad ka wada hadasheen?

J: Xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland, waa mid soo jireen ahaa oo muddo dheer socday, kulamo badan oo horena way jireen oo soo taxnaa ilaa 1992-kii markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay, intii ka dambaysayna booqashooyin isdaba jooga, ayaanu halkan ku imanaynay, iyaguna halkaa waa noo imanayeen.

S: Wasiir, maxay tahay siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan ictiraafka Somaliland?

J: Run ahaantii, arrimaha Somaliland iyo Maraykanka ee ay daneeyaan ee aanu ka wada hadalno, dhinaca xidhiidhka gaarka ah waxyaabo badan bay ku saabsan yihiiin, waxaana ka mid; Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, ictiraafkuna waa mid Somaliland iyo dadkeeda u yaala, maantana waxaanu qabnaa inuu meel wanaagsan noo marayo. Iyagu run ahaantii waxay ka mid yihiin dawladaha aanu ka raadino ictiraafka, wali dawlad noogu dhawaaqdayna ma hayno. Laakiin, dariiqeeda waanu haynaa, talooyin badan oo aanu isweydaarsanaynaa way ka jiraan arrintaas.

S: Waxa jira Warar isa soo taraya oo sheegaya in isra’iil ay ka fikirayso inay aqoonsato Somaliland, iyadoo arrintaas ay cambaareeyeen dalalka Jaamacadda Carabtu, arrintaa faahfaahin ma naga siin kartaa?

J: Walaal, arrintaa wax rasmiya oo aanu ka haynaa haba-yaraatee ma jirto oo dawladaa isra’iil ay noo soo gudbisay, waxay nagala hadashayna ma jirto. Waxaanse kuu sheegayaa inay jiraan dawlado tiradoodu aanay yarayn, qaaradda Afrika ha noqoto ama meelo kaleba ha noqotee oo arrintaa lafa guraya.

S: Dhawaan waxa jiray wefti ka socday dalka yeman oo sheegay inay Xafiis ka furanayaan Hargaysa. Waa sidee xidhiidhka idinka dhaxeeya Jabuuti, Itoobiya iyo Yeman.

J: Runtii, xidhiidhka dalalka jaarka ahi xagayaga meel fiican ayuu marayaa, iskaashi wayn ayaa naga dhexeeya anaga iyo Jabuuti iyo dalka Itoobiya. Iskaashi wadareed oo wada jira oo dhinacyo badan aanu iska kaashano, nabadgelyada, arrimaha la xidhiidha xuduudaha, arrimaha la xidhiidha ganacsiga iyo arrimaha la xidhiidha isu socodka. Yemenina waa la mid, muddo dheer xafiis ayaa Somaliland  uga furnaa, runtiina aad baanu ugu mahadnaqaynaa dawladda iyo shacabka Yemanba, khaasatana madaxweynaha Yemen Cali Cabdalle Saalax oo runtii gartay istaraatijiyada gobolka, muddo lix sanadood ahna Somaliland rasmiyan u ogolaaday inay ka furato xafiis. Waxa noo jooga shaqaale aan yarayn oo ilaa toddoba ah, iyaguna intaaba way baxnaaninayeen. Markaa socodkan u dambeeyey intii aanan imanba, waan qaabilay weftiga ka yimi Yeman, ujeedada socdaalkooduna wuxuu ahaa inay ka furtaan (Hargeysa) Xafiis metala danaha dalka Yeman oo anaga nagala shaqeeya xidhiidhka. Markaa waxay eegayeen xafiiskii iyo dhulkii ay ka kiraysan lahaayeen JSL khaasatan caasimadda. Waan soo dhaweynay waa dal carbeed oo aanu walaalo nahay, dhaqan baa naga dhexeeya, umuuro badan baa jira budhcad-badeedda, nabadgelyada iyo dhinacyada dadka tallaabaya. Markaa meelo badan baanu iska kaashanaa, aad iyo aad baanu u soo dhaweynay. Itoobiya iyo Jabuutina kaa mid la mid ah oo isna soo jireena ayaa jira oo runtii ka dhexeeya heer walba ilaa Madaxweyne, ilaa Ra’iisal wasaare iyo heer wasaaradoodba wanaag iyo sharaf weyn baa naga dhaxaysa.

S: Waxa jira inaad kal hore Jabuuti kala saxeexateen heshiis dhigaya inay Jamhuuriyadda Jabuuti xafiis ka furato magaalada Hargaysa, weli arrintaas ma suurto galin, maxaa sabab u ah?

J: Waxa weeyaan arrintaasi, heshiis wanaagsan baa naga dhexeeya, waxaanu leenahay guddi heer Wasiir ah oo labada dhinacba si joogta u kulma, marna Somaliland baanu isku aragnaa, marna Jabuuti. Xafiisyadanna imika qaab farsamo ayuun baa noo hadhsan iyo meelihii laga furan lahaa labada dhinacba, waanu eegaynaa.

S: Waxa jira inta badan Wufuud u badan ganacsato oo Somaliland taga, markaa maxaa hortaagan maalgalin shisheeye oo Somaliland laga hirgeliyo? Sababtoo ah, waxa jirtay Shirkad Jarmal ahayd oo muujisay inay Wershadda Sibidhka ee berbera danaynayso inay maalgeliso iyo Shirkad kale oo Faransiis ah oo danaynaysay inay maalgashato Dekedda Berbera, arrimahaas maxaa hortaagan?

J: RRuntii way jiraan, socodkan aanu hadda ka nimi Hargaysa waxa yimi Wefti aad u ballaadhan oo Ruush ah oo ka socda Hay’ad la yidhaahdo Africa initiative oo doonaya inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland. Way yimaadeen oo way indha-indheeyeen, waanay noqdeen. Waxa jira tan aad sheegtay ee u dambaysay Faransiiska, shirkadda Polere oo shalayna Madaxdeeda aanu halkan cid ka aragnay wada hadalkiina wuxuu marayaa heer sare in degdeg heshiis loo saxeexana way dhici kartaa, arrimo farsamo ayuun baana jira. Polere waa shirkad  weyn oo afrika meelo badan ka shaqaysa hadday tahay Galbeedka iyo hadday tahay bariga Afrikaba, waana caan, maalkeeduna aad iyo aad buu u badan yahay. Way jirtay runtii Shirkadda Jarmalka ah Jarmal oo qudha maahee runtii waa isu-tag reer Yurub ah. Heshiisbaa jira oo ah in Somaliland la maalgeliyo xagga sibidhka iyo arrimaha la xidhiidha xaga tamarta Dhuxul-dhagaxda. Arrinta mashruucaasi wuu dhan yahay, waxoogay dhinicii dhaqaaalaha ah waa tii ay ku yimaadeen arrimo badan xagga caalamka. Markaa dib-u-habayn degdeg ah iyo maalgashigii dadkii hawshan waday, waxaanan filaynaa insha alla inay hawshaasi degdeg u hirgasho, waana arrin aanu rajo weyn ka qabno…Sidaa darteed, rejo weyn baanu qabnaa, Somaliland-na bogcad bay ku taalaa qaaliya oo maalgashi lagu samayn karo.

S: Laakiin, ma leedihiin siyaasad cad oo ku wajahan maalgashiga iyo xeerarkii u yaalay dhinaca maalgashiga?

J: Anagu maanta heerkaanu joogno waxa weeyaan heer runtii aad iyo aad caalamku ula yaaban yahay, waxaanu nahay dal dastuur qaran leh oo ummadu u codaysay, maanta Axsaab Qaran oo habka xisbiyada badan ee siyaasadda (multiple political parties system) ayaa jira, dimuqraadiyad baa ka hirgashay. Waxa kale oo jira xeerar iyo shuruuc uu Qaranku abuuray oo  dhaqan-gal ah oo ay ka mid tahay Xeerka maalgashiga oo ah shuruuc aad u soo dhaweynaysa, dalkiina xuquuqdiisii siinaysa, soo dhaweynaysa qofkii ajaanibka ahaa iyo kii muwaadinka ahaaba, taasina waa wax lagu diirsado oo caalamkuna aad noogu soo dhaweeyey khaasatan caalamkan ku dhaqma ganacsiga xorta ah.

S: Waxa jiray in sanadkii hore badhtamihii, la idinku marti-qaaday dhegaysi ka jiray Koogareeska Maraykanka, guddi hoosaadka Afrika u qaabilsan oo uu madax ka yahay Donald Payne. Waad ka cudur-daarateen oo maydaan iman, laakiin imika waa sidee xidhiidhka idin ka dhexeeya idinka iyo guddiga?

J: Run ahaantii way jirtay, mudane Donald Payne anagu waxaanu u haynaa ixtiraam aad iyo aad u wayn, runtii saaxiib Afrika ah oo Somaliland-na hore noogu yimid weeye, casuumadina waabay u taalaa Miiska oo diyaar baanu u nahay wakhti walba.

Shirkaa aad sheegtayna anagu waanu ka cudur-daaranay, sababtaanu uga cudur daaraynayna shirka iyo qaabkiisa ayaanu saluug wayn ka muujinay, shuruudaha markii ay hayd inaanay ka wada hadalno oo ahayd qaabka la isku arkayo, ayaanu diidnay waananu u sheegnay, si sharaf leh baanu uga cudur-daaranay. Mar walbana diyaar baanu u nahay inaanu Guddoomiyaha arrimahaa iyo wixii la xidhiidhaba inaanu ka xdhiidhno.

S: Ma is aragteen imika idinka iyo Donald Payne?

J: Maya, ismaanu arag, manaan dalbin. Waayo, wakhtigan waxaanu u nimi xukuumadda Maraykanka oo na casuuntay, iyagaanu macsuum u ahayn, iyagaa Barnaamijka nala samaysay, danihii kale ayaanu wadnay ee qolada guddiga ismaanaan arkin.

S: Madaxda Maraykanka ma ka wada hadasheen arrimaha doorashada ee ku soo fool leh Somaliland?

J:Haa, waanu ka wada hadalnay, waa arrimo iyaguna runtii ay danaynayaan talooyinka iyo aaraa’doodana waa aaraa’ aanu u aragno mid walaalnimo iyo saaxiibnimo, iyana ay danaynayaa, anaguna waxaanu jecelnahay Doorashadaasi inay runtii wakhtigeeda ku dhacdo, si dimuqraadiya u dhacdo, nabadgalyo ku dhacdo oo ay si xor ah oo xalaal ah u dhacdo. Waa arrimaha noogu waaweyn ee aanu ahmiyada siinayno.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com