Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku baaqay in la go’dooomiyo Kooxda Al-Shabaab

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrinta Kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ay caan ku yihiin Dil, Qarxin iyo falal kale oo Argagixiso, waxaanu dalalka Carabta ugu baaqay in meel looga wada jeesto oo laga tashado sidii Kooxda Al-Shabaab loo faquuqi lahaa amaba gooni looga dhigi lahaa. “’Waa inaan lagu taageerin dhaqaale iyo xitaa in loo tababaro dagaalyahano.” Ayuu yidhi Ban Ki-moon oo ka hadlayay Shirka Carabta uga socda dalka Libya, waxaanu si dadban u sheegay inay jiraan dalal Carabta ka mid ah oo si toos ah taageero u siiya Kooxda AL-Shabaab.

Somaliland.Org News Desk