Madaxweyne Rayaale oo socdaal aan hore loo shaacin ku tegay magaalada Borama

Borama (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa galabta u kicitimay Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

Madaxweyne Rayaale oo Borama gaadhay galabta abbaaro 5:00 galabnimo, isla markaana lagu soo dhaweeyay duleedka Borama oo ay kaga hortegeen maamulka gobolka iyo degmada Borama, waxa socdaalkiisan ku wehelinaya Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Siciid Caddaani Moogge, oo ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee gobolka Awdal ayaa sheegay in uu ugu kuurgelayo xaalada gobolka ka jirta, isla markaana uu maalinta barri ka qeyb geli doono aaska Alle ha u naxariistee Marxuum- Maxamed Xasan Mataan oo ahaa Afhayeenkii UDUB ee UK, kana tirsanaa Aqoonyahanka ka soo jeeda Awdal oo ku geeriyooday London, kaas oo beri lagu aasi doono Borama. Hase ahaatee, Afhayeenku wuu ka gaabsaday in uu ka hadlo waqtiga uu qaadanayo socdaalka Madaxweynuhu.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.con