Donald Payne oo dhaliilo xad-gudub Bani’aadamnimo u jeediyay Xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya

Washington (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha Afrika ee Aqalka Wakiilada Maraykanka Mr. Donald Payne, ayaa dhaliilo kala duwan u jeediyay Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Mr. Donald Payne oo Arbacadii ka hadlayay Kulan dib loogu eegayay Siyaasadda dalka Maraykanka ee dalalka Afrika, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ku kacday xad-gudubyo kala duwan oo dhinaca Bani’aadamnimada ah. Waxaanu sheegay in ay Dawladda Itoobiya u dhiibto Muwaadiniin ka soo jeeda dalkaas.

Donald Payne wuxuu ka hadlay Gabadh magaceeda la yidhaahdo Bishaaro oo uu sheegay in ay Dawladda Somaliland u gacan gelisay Dawladda Itoobiya. “Dawladda Somalialnd waxay bishii February u gacan gelisay Ciidamada amniga ee Dawladda Itoobiya gabadh magaceedu yahay Bishaaro oo Qaxootinimo ahaan uga diiwaan-gashanayd Somaliland.” ayuu yidhi Mr. Donald.

Sidoo kale, Donald Payne wuxuu sheegay in gabadhan hore ay jidh-dil ugu geysatay dawladda Itoobiya, isla markaana ay ka soo baxsatay, soona gashay Somaliland. “Sanado ka hor ayay Ciidamada Itoobiya xidheen, isla markaana jidh-dileen, halka Ninkeediina ay dileen Ciidamada Itoobiya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waan fahamsanahay in Wefti Somaliland ka socdaa booqasho ku joogo Maraykanka, waxaanse rejaynayaa in ay ogaan doonaan halka Maraykanku ka taagan yahay arrintan iyo arrimaha Somaliland-ba.”

Dhinaca kale, Mr. Donald Pay waxa uu dhaliil u jeediyay Dawladda Itoobiya oo uu ku tilmaamay mid tacaddiyo badan geysata. “Waxaan si aad ah uga walaacsanahay xaaladaha soo xumaanaya ee Itoobiya oo Taliskooda EPRDF marba marka ka dambaysa kali-talis noqonaya. Toddobaaddo kooban ka hor, Dawladda Itoobiya waxay bilowday inay joojiso Idaacadda Codka Maraykanka (VOA), laanteeda Afka Amxaariga oo ay barbar-dhigeen Idaacaddii ka qayb qaadatay xasuuqii Rwanda ee Mille Collines.” Ayuu yidhi Mr. Donald Payne.

Somaliland.Org News Desk

wararkasomaliland@gma