Boqor Cusub Oo Lagu Caleemo Saaray Degmada Darar-Weyne

Sanaag: Boqor Cusub Oo Lagu Caleemo Saaray Degmada Darar-Weyne

Saturday, 27 February 2010

Darar-weyne(Geeska) -Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo ku soo biiray
boqorrada Somaliland ayaa khamiistii lagu caleemo saaray degmada
Darar-weyne ee gobolka Sanaag.
Boqor Maxamed oo ka soo jeeda Beesha Habar jeclo ee gobolka Sanaag, ayaa
xaflad loo sameeyay caleemo saarkiisa waxa ka soo qayb galay dad
boqolaal gaadhaya oo isugu jira madax-dhaqameed, salaadiin, odayaal iyo
aqoonyahano.

Xafladdana ayaa waxa ka hadlay qaar ka mid ah madax dhaqameedyada,
salaadiinta iyo aqoonyahanada ka soo qayb galay, waxaanay boqor Maxamed
Illaahay uga baryeen in uu u fududeeyo gudashada xilka loo magacaabay.

Ugu dambayntii waxa halkaas ka hadlay Boqor Maxamed Jaamac Cumar,
waxaanu sheegay in uu ku dedaali doono sidii uu xilkiisa ugu gudan lahaa
si daacad ah. ?Waxaan ku dedaali doonaa inaan xilkayga si caddaalad ah u
guto, waxaanan taageeri doonaa ciddii dadkayga iyo dalkayga wax u
qabata. Aad baan ugu mahad naqayaa dadkan ka soo qayb galay caleemo
saarkayga?. Ayuu yidhi Boqor Maxamed.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in ay ku guul
daraysatay isku day ay ku doonaysay in ay ku joojiso xafladda caleemo
saarka boqorka, iyada oo deegaankaas u dirtay ciidamo boolis ah, kuwaas
oo hor-istaagay qaar ka mid ah dadkii u socday ka qayb galka xafladda.
Ciidamada booliska ayaa markii dambe dib isaga noqday kadib markii ay
dadweynaha deegaanka Darar-weyne ku gadoodeen.

Boqorkan ayaa waxa ay isku beel hoose ka soo jeedaan
Cismaan-Buurmadoow, iyadoo ay shirkii Beesha Habarjeclo ku yeelatay
Gar-adag sannadkii 2008, ay isku seegeen Cismaan Buurmadoow.
*Source: www.geeska.net