Roobab lagu qabowsaday oo ka da’ay deegaamo Hargeysa ka mid tahay oo Somaliland ka tirsan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Roobab lagu qabowsaday ayaa ilaa xalay ka da’ayay magaalada Hargeysa iyo deegaammada ku xeeran oo ka mid ah meelaha ay saameeyeen Abaaraha dalka ka jira ee ay dhawaan Xukuumaddu qaylo-dhaanta ka soo saartay.

Roobabkan oo Hargeysa ka bilaabmay shalay, isla markaana ka da’ayay ilaa galabta ayaa inkasta oo waqtiyada qaarkood uu qaadayay ama joogsanayay, haddana waxa uu u dayay si shuux u badan. Waxa kale oo Roobabkan kuwo la mid ahi ay ka da’een gobollada Galbeedka Somaliland.

Roobabkan ayaa deegaamada ay ka da’een waxa ka mid ah Deegaanka Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, Degmada Borama iyo deegaamo kale oo badan.

Roobabkan ayaa ku soo beegmaya waqti ay dhawaan Xukuumadda Somaliland baaq qaylo-dhaan abaareed ah u direen Beesha Caalamka, kana dalbadeen in gargaar degdeg ah lala soo gaadho 40% oo dadka ku dhaqan Somaliland oo ay saameeyeen Abaaro ba’an oo ka jira deegaamo ka tirsan Somaliland.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com