Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Khadka Telefoonka kula xidhiidhay M/weyne-xigeenka Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay in uu Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo xaalad Caafimaad u  jooga Cusbatal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, Axmed-Siilaanyo wuxuu Madaxweyne-xigeenka ka waraystay xaaladdiisa Caafimaad.

Warsaxaafadeedkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu maanta taleefan kula hadlay M/weyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadda socdaal caafimaad ku jooga Dalka Faransiiska, wuxuuna ka waraystay xaaladiisa caafimaad.

M/weyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu uga waramay  Mudane Axmed Siilaanyo xaaladiisa caafimaad, wuxuuna u xaqiijiyey inuu aad iyo aad u wanaagsan yahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaashaba u gudbiyey M/weyne ku xigeenka salaan, waxaana uu ILLAAHAY uga baryey inuu caafimaad sareecanna siiyo.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu u rajaayey M/weyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin inuu ku soo laabto dalkiisa Hooyo isaga oo caafimaad qaba, si uu u sii wato hawshii uu Qaranka u hayey.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com