Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ku fashilmay Jid uu doonayay in uu kaga gabbado Guddida Dhaqaalaha

Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Wakiillada ayaa iska waabiyey isku day Xukuumadda, gaar ahaan wasiirka Xannaanada Xooluhu uu doonayey inuu iskaga horkeeno guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada, isla markaana uu kaga muquurto u yeedhista guddida Dhaqaalaha ee Golahaas oo si isdaba joog ah uga dalbanayey inuu horyimaaddo.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, mudane Idiris Ibraahim Cabdi oo diidey inuu hortago guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa markii u horreysey ka jawaabey warqad uu Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo ah kusimaha Guddoomiyuhu u qoray Madaxweyne Riyaale, taas oo ku saabsan u yeedhista Wasiirka, isla markaana Wasiirkana ogeysiin la siiyey. Wuxuuna warqad jawaab-celin oo u soo diray Shirguddoonka Wakiillada, 16 February 2010, ku sheegay in Guddida Dhaqaaluhu aanay xaq u lahayn inay u yeedho, balse, uu diyaar u yahay inuu hortago Guddida Deegaanka, Xoolaha, Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah.

Sida ay wararku sheegayaan, wasiirka Xannaanada Xoolaha, mudane Idiris waxa uu ku dooday in Dastuurka Qaranka, qodobada 45aad iyo 53aad iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 18aad iyo 20aad, kuwaas oo uu sheegay inay tilmaamayaan tirada Guddi-hoosaadyada Golaha iyo in Guddi waliba uu la shaqaynayo hay’adda ama wasaaradda ay isku shaqada yihiin. Sidaas darteedna, ay diyaar u yihiin guddida Golaha ee ay wada-shaqaynta lahaayeen wasaaraddiisa, taas oo uu sheegay inay tahay Guddida Deegaanka, Xoolaha, Beeraha iyo Khayraadka.

Dhinaca kale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha, mudane Idiris, waxa la sheegay inuu dafiray 8 warqadood oo yeedhis ah oo ay Guddida Dhaqaalaha iyo Shirguddoonka Goluhu ay sheegeen inay u qoreen marar kala duwan intii u dhexaysey 31 Jan. 2010 ilaa 10 February 2010. Jawaab la’aanta wasiirka ee waraaqahaas ayaa keenay ugu dambayntii in Shirguddoonku warqad u qoro Madaxweynaha, taas oo ujeeddadeedu ahayd in Madaxweynuhu tallaabo ka qaado wasiirkaas, kuna soo dabbaalo sharciga iyo wada-shaqaynta Golayaasha.

Jawaabtan Wasiirka Xannaanada Xooluhu ka bixiyey warqadda Shirguddoonku u diray Madaxweynaha ayaa u muuqata isku-day Wasiirku doonayey inuu iskaga horkeeno Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada oo uu ka dhex abuuro khilaaf iyo muran dhinaca awoodaha iyo shaqada ah, si dabadeedna ay meesha uga baxdo u yeedhistiisu. Hase yeeshee, Guddida Deegaanka, Beeraha iyo Xoolaha ayaa la sheegay inay gaashaanka ku dhufteen hindisaha Wasiirka Xannaanada Xoolaha.

Sida ay wararku sheegayaan Guddida Deegaanka oo uu wasiirku ogeysiin siiyey jawaabta uu u qoray Shirguddoonka ayaa warqad jawaab celin ah oo ay ay maanta soo saareen waxay ugu sheegeen Wasiirka in sharci ahaan Guddi kasta oo ka tirsan Golaha Wakiilladu uu xaq u leeyahay inuu u yeedho Masuuliyiinta Qaranka ee ay u baahdaan. Waxayna u soo jeediyeen wasiirka Xannaanada Xoolaha inuu ixtiraamo xeerarka iyo shuruucda dalka, isla markaana uu hortago guddida Dhaqaalaha. Guddida Deegaanku waxay qoraalkooda ugu sheegeen Wasiirka in Guddida Dhaqaaluhu ay doonayaan inaad uga jawaabto su’aalo la xidhiidha Dakhliga ka soo xerooda Dhoofka Xoolaha Nool.

U yeedhista Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxay ka dambeysey markii Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) uu u sheegay Guddida Dhaqaalaha iyo Saxaafadda dabayaaqadii December in lacagta $7 ah ee neefkiiba lagaga qaado Maxjarku aanay qabanin Wasaaradda Maaliyadda, balse, ay qaaddo lacagtaas Wasaaradda Xannaanada Xoolaha. Wasiirka Xannaanada Xoolaha ayaa tan iyo wakhtigaaba ka meeraysanayey inuu hortago guddida Dhaqaalaha si uu uga jawaabo lacagtaas.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com