Madaxweyne Rayaale oo iska dhego-tiray dalab ay ula tageen Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland iyo koox Wasiirro ah, ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Inkastoo aanu jirin wax war ah oo rasmi ahaan kulankaas ka soo baxay, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay Wargeyska Ogaal u sheegeen, kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada, waxa lagaga wadahadlay xadhiga ganacsade mashruuc boqolaal kun oo doolar ah ka hirgeliyay duleedka magaalada Burco.

Warku wuxuu intaa ku daray, in kulankaasi dhexmaray Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirrada Maaliyadda Xusseen Cali Ducaale, Hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed iyo Duulista Hawada Cali Maxamed Warancadde oo isku dhinac ah.

Siday ilahaa xogogaalka ahi tibaaxeen, Wasiirradu waxay Madaxweynaha kala hadleen sii daynta ganacsadahaas oo lagu magacaabo Faysal Nuur Yuusuf oo sida la sheegay muddo laba todobaad ka badan ku xidhan xarunta laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa, kaasoo duleedka magaalada Burco ka hirgeliyay mashruuc seexo xoolo-naaxin ah.

Kulankaas oo sida la sheegay muddo saacad ka badan oo barqonimadii shalay ah ka socday Madaxtooyada, waxa la sheegay in labada dhinac si qotodheer ugu lafogureen arrinta xadhiga ganacsadahaas.

Waxa la sheegay in Wasiirradaasi ay dhinacooda Madaxweyne Rayaale u bandhigeen sii daynta ganacsade Faysal Nuur Yuusuf oo aanay Xukuumaddu wax faahfaahin ah ka bixin xadhigiisa.

Hase yeeshee, waxa la sheegay in Madaxweynuhu ku dooday in ganacsade Faysal Nuur ku kacay talaabo lagu mijaxaabinayo Maxjarka Xoolaha ee magaalada Berbera oo maalgelin aan xaddigeeda la shaacin uu geliyay ganacsade ajaanib ah oo lagu magacaabo Saleebaan Saciid Al-Jaabiri.

Sidoo kale, waxa la sheegay in Madaxweynuhu xubnahaa Wasiirrada ah ka dalbaday inay muddo laba maalmood ah ka war sugaan, si uu jawaab ugu soo celiyo.

Ganacsade Eng. Faysal Nuur waxa uu hormood ka yahay mashruucan laga hirgeliyay duleedka Burco, kaasoo ay maalgaliyeen 8 qof oo muwaadiniin ah iyo kuwo kale oo ajaanib ahi.

Mashruucan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo dalka, waxa uu wax wayn ka bedelayaa shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta guud ahaan Somaliland, gaar ahaan gobolka Togdheer. Isla markaana siday aaminsan yihiin waxgaradka iyo aqoonyahanka gobolka Togdheer, waxay talaabadani sumcad-xumo ku noqonaysaa in muwaadiniintu ku dhiiradaan dalkooda.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com