Yooyootanka Culimadu ma noqon karaa bilowga ku-baratanka Jid ay hore u eedday Soomaaliya?

Isweydaarsiga dood caafimaad-qabtaa wax kastooy ku salaysan tahayba, waa hormoodka midho-dhalka aayatiin waara dhib-la’aan iyo is-qancin fayow.  Qof, Umad iyo Qaran midna garaadkiisu habeen ma jirin haddii aanay ku wax-qaadan duruufaha Nololeed iyo dhacdooyinka ku xeeran. Somaliland iyo shacabkeedu waxay waayo-arag u yihiin duruufo nololeed, colaadeed, Qaxootinimo, dayac iyo qax, raadadkooda laga dheehan karo meelo badan oo dalka ka mid ah.

Marxalado kala duwan ka dib, waxa Dawlad iyo Shacab-ba Somaliland looga xadhko-xidhay ka soo doogashada dhib kasta oo ay keeneen waqtiga iyo waayuhu, balse Bani’aadam dhinac kastaba ha ka soo jeedee uu sabab u ahaa. Shirar, wada-tashiyo iyo kulamo ka dib, waxa qaranimo lagu dhisay in meel looga wada jeedo wax kasta oo dadka iyo dalkaba geyeysiin kara dhib hore dadka waqtigu u baray.

Koonfurta Soomaaliya waxay kaalinta labaad kaga jirtaa dalalka ugu ammaanka daran, uguna nolol hoosaysa Dunida, sida xaqiiqdu tahayna kumay jirin derejadan ka hor intii aanay ka soo bixin Ururo, Kooxo iyo Fariiqooyin Diimeed oo khilaafkooda ka bilaabmay doodo laysu mariyo Warbaahinta, ay xigtay dagaal hub laysu adeegsado oo dadweynuhu kala raacsan yahay, markii dambena gaadhay marxaladda hadda ee ku qotonta hammiga iyo hanka Siyaasadda iyo hanashada Kursiga iyo Xukunka.

20-kii bishan February oo ku beegnayd Axaddii toddobaadkan ayuu soo if-baxay muran iyo khilaaf salka ku haya xuska Dhalashada Nebiga (CSW), kaas oo ay isku qabteen qaar ka mid ah Culimada Somaliland. Wax cusub kuma aha Somaliland in laysku khilaafo arrin jirta, gaar ahaan fariiqooyinka iyo arrimaha Diinta, waana mid muddooyin ka jirtay, waxase dadku isweydiinayaan maxaa sanadkan keenay in uu soo if-baxo oo Bulshada la soo dhex dhigo khilaafkaasi? Su’aashaa jawaabteeda Bulshada iyo cidday khusayso ayay mudan tahay inay ka jawaabaan. Hase yeeshee, khilaafka soo if-baxay toddobaadkan ee la xidhiidha xuska dhalashada Rasuulka (CSW) oo soo dhex maray Qalabka Warbaahinta, ayaa u muuqda mid hadal-hayntiisu ku badan tahay Bulshada qaarkeed.

In Qalabka Warbaahintu faafiyo dhacdo ama War waa mid ka mid ah Tiirarka ugu waawayn ee ay u taagan tahay, waana waajibaad saaran in ay isku dheelli-tirto War kasta oo ay faafiso oo ay dhinacyada ay khusaysaa ka hadlaan, haddana waxa xusid mudan in ay jiraan arrimo sharciyan ay tahay in baahintooda laga gaabsado ama ugu yaraan la khafiifiyo, kuwaas oo faafintoodu keeni karto qaybsanka Bulshada iyo khilaaf dhaxalkiisu keenayo cawaaqib-xumo qaranimada waxyeellaysa. Waa dhab in qiyamka toosani dhigayo in arrinta khilaafku ka taagan yahay la kala saafo, laakiin waxa hubsiimo u baahan habka loo saafayo.

Sharciga iyo kala-dambayntu waa ka u dhaxeeya cid kasta oo laba qof ka badan, kuna siman ilaa Qaran. Waxa Dawlad loogu doortaa waa inay dal Sharci ku hagto oo ay metesho, una dhaxayso Umad, sababtoo ah waa mid aan suurtogal ahayn in Umadda qof kasta oo ka mid ahi uu Dawlad noqdo, taas ayaana keentay in ay in dad koobani Dawladimada ku metesho Umadda. Sidaas oo ay tahay, arrin kasta oo laga doodayo waxa Umadda intii isku fikir ahba meteli karta tiro kooban, khilaafka arrrintanna dhinac kasta oo ku saxsanba, waa arrin marinkeedu yahay inay si caqli-san hoggaaminayo oo aan fudayd ku dheehnayn ay dadka aqoonta Diinta lehi iyagu dhexdooda uga doodaan, hase ahaatee haddiiba ay timaaddo in Bulshada la dhex keeno arrin sidan oo kale u xasaasi ahi, waxay u muuqataa in cid kasta iyo ujeeddo kasta oo ka dambaysaba, loo dan leeyahay qaybinta Bulsho Xisbiyo u qoqoban.

Gebogebadii, Xukuumadda waxa saaran in ay si daacad ah ugu dhaxayso qaybaha Bulshada. Doorka Culimadu waa inaanay ku sifoobin kuwo cagta saaray Jidkii ay dilka, qaska iyo dhiig-daadinta Umadda ka bilaabeen dadka sheega in dagaalladoodu ku salaysan yihiin Diin ee Koonfurta Soomaaliya. Warbaahintu gudashada waajibkoodu yaanu noqon mid u horseeda in aanay ka fikirin maxsuulka iyo natiijada ka dhalan karta wax kasta oo ay baahinayaan. Guud ahaan Bulshada oo ah taayirrada lagu dhaqaajiyo balaayo ama badhaadhe hadba tii ay aqbalaan, isla markaana ah ta ugu damaqa, diifta iyo dayaca badan waqtiga ay taabato dhib haddii aanay hore uga fikirin fulinteeda iyo tallaabo kasta oo la dhex dhigo, waxa iyana la gudboon in aanay noqon xaabada lagu shido Dab ay hadhow ku guban doonaan.

Barkhad Mohamoud Kaariye

E-mail: kaariye104@journalist.com

Hargeisa, Somaliland.