Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay xaaladda ammaan-darro ee Gobolka Sool
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan-darro ee dhawaanahan ka taagnaa Magaalada Laascaanood, waxaanu ka digay in ammaan-darradaasi horseeddo fidmo dalka ku baahda.
Warsaxaafadeed uu Xisbiga KULMIYE soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee Xisbigaas Keyse Xasan Cige, ayaa lagaga hadlay arrimaha la xidhiidha ammaanka Laascaanood, waxaanay baaq u jeediyeen Axsaabta Qaranka, Xukuumadda iyo shacabka Somaliland-ba.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaynu bilihii ugu dambeeyey la soconaa ammaan daradda kasoo cusboonaatay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood halkaaso ay qaraxyo isdabajoog ahi ka dhaceen.
Qaraxyadaasi is-dabjooga ahaa waxay sababeen disho iyo dhaawac fara badan oo ku yimiid saraakiil xilal waaweyn ka hayey dawladda iyo shacabweynaba; waxaana soo waajahay shacabweynaha reer Sool argagax , cabsi xoog leh iyo waliba tuhun soo kala dhexgalay shacabka reer Sool iyadoo ilaa hadda aan maxkamad la hor keenin dambiilayaashii falalkaasi aragagixiso geestay.
Waxaa mar marka ka dambaysa soo badanaya qaraxyada laga fulinayo Gobolka Sool kuwaasoo laga hoggaaminayo aaladaha laga hago meelaha fogfog (remote controls), oo ah arrin ku cusub Somaliland.
Shaki kuma jiro in haddii ay qaraxyadani sii socdaan ay u horseedi doonaan Somaliland fidno iyo burbur aad u ballaadhan oo curyaamin kara geedi socodka nabadda, xassiloonida iyo dimoqraadiyad aynu maanta hadhsanayno.
Sidaasi daraadeed wuxuu Xisbiga Kulmiye ugu baaqayaa Xisbiyada Qaranka, Xukuumada iyo shacabweynaha inay si wadajira isaga kaashadaan sidii looga hortegin lahaa fidnada ka bilaamatay Sool iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka iyo xassiloonida Jamhuuriydda Somaliland.
Waxaa kaloo uu Xisbiga Kulmiye ku boorinyaa shacabweynaha Somaliland inay ka wada tashadaan sidii gacan adag loogu qaban lahaa cadowga naxariista daran ee kusoo duulay dalkooda.”
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
