Qaar ka mid ah Dhalinyaro loo xidh-xidhay Mudaharaad ka dhacay Laascaanood oo la sii daayay

Laascaanood (Somaliland.Org)- 55 qof oo dhalinyaro ah ayaa maanta laga sii daayay Xabsi ku yaala Magaalada Caynabo, ka dib markii Wefti Wasiiro ah oo ka socday Xukuumadda Somaliland oo todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Sool ay shalay xabsiga degmada Caynabo ku booqdeen 65 arday iyo dhalinyaro ah oo lagu soo qabqabtay mudaharaad ay doraad ka dhigeen Laascaanood.

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Caynabo, 55 qof oo dhalinyaro ah ayaa xabsiga laga sii daayay. “Waxaan idiinka digayaa inaad mar kale samaysaan rabshadihii la idinku xidhay oo kale waxaana la idiinka baahan yahay maadaama oo aad arday tihiin inaad ka feejignaataan wixii qas iyo qalaan qal gelin kara magaalada.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha Saldhiga dhexe ciidanka Booliska Laascaanood Cali Ismaaciil Saalax. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa in sawiradiinii iyo magacyadiiniiba aanu hayno oo haddii aad mar dambe rabshado la idinku qabto tallaabo adag oo sharciya la idin marin doono.”

Geesta kale, waxay Xukuumaddu fasaxday Isgaadhsiintii Gobolka Sool ka dib markii ay 25 bishii aynu ka soo gudubnay xayirtay. Go’aanka Xukuumaddu hore ugu xayirtay Isgaadhsiinta gobolka Sool, waxay ku sheegtay mid lagu xoojinayo amaanka gobolkaas, ka dib markii muddooyinkii u dambeeyay qaraxyo khasaare keenay ruxeen magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale, wefti Wasiiro ah oo Xukuumadda Somaliland ka socda oo todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Sool, ayaa shalay Xabsiga degmada Caynabo ku booqday 65 dhalinyaro ah oo arday u badan, kuwaasoo lagu soo qabqabtay mudaharaad ay doraad ka dhigeen magaalada Laascaanood.

Taliyaha Booliska degmada Caynabo Jaamac Ibraahim Aadam oo warbaahinta u waramay, waxa uu sheegay in 26 ka mid ah dhalinyaradaa xabsiga la dhigay ay gabdho yihiin.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay baadhitaan ku hayaan dhalinyaradaa mudaharaadka ay dhigeen lagu qabqabtay.

Somaliland.Org

Lasanod News Desk

wararkasomaliland@gmail.com


TOP