Xaflad Ka Dhici doonta Manchester Bisha Feb 20th 2010

Ogaysiis: Xaflad Manchester  Feb 20th 2010

Xaflad balaadhan oo ay soo agaasimeen laamaha Xisbiga Qaranka ee Kulmiye ee Greater Manchester iyo Liverpool, ayaa ka dhici doonta magaalada Manchester, maalinta bishu tahay Feb 20 2010 wakhtiga 1-6 pm.

 North West Fundraising Event by you.

Xafladan oo inoogu marti yihiin xubno sarsare, oo ka mid ah hogaankii Xisbiga Kulmiye, oo uu ku jiro Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Abdiraxman Abdiqadir, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdicasiis Samaale, Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga Kulmiye Dr Cabdi Aw-Dahir, Xoghayaha Arimaha Dibada Dr Mohamed Abdilahi Omar, Ahmed Xaaji Alli Adani iyo Xidhiidhiyaha Lamaaga Qubajooga Kulmiye ee dibada Cismaan Saxardiid Cadaani.

Xafladan waxa ay noqon doontaa mid hogaanka Xisbigu halkaa ku soo bandhigi doonaa barnaamijkii Xisbiga ee la xidhiidhay olalaha doorashada, waxaana xafladaasi si toosa looga daawan doonaa barta internetka ee http://www.livestream.com/kulmiye2010.

 

Xafladan oo noqon doonta mid barnaamijyo ku xiiso galiya lagu soo bandhigo, waxaa laga codsanayaa in dadku wakhtiga dhowraan. Waxaana halkaa iman doono Abwaano iyagu halkaa ku soo bandhigi doona sugaano kala duwan.  

Xafladan oo lagu soo gali doono tigidho, waxaa qiimaha tigidhkiiba noqon doonaa £20. Wixii faah faahina, ee la xidhiidha xaflada waxa aad kala xidhiidhi kartaa.

Abdi Jama Yusuf                    07554985613                                                

Yusuf Ummal                          07790594801                                                                 

 Axmed Ali                               07988650500                                   

February 20 2010 1-6 pm 

Manchester Academy
Moss Lane East
Moss Side
Manchester
M14 4PX

Xisbiga Kulmiye Laamihiisa Manchester Liverpool


TOP