JAWAAB -Doorashadii Daahir Riyaale Waxay Gefweyn Ku Ahayd Taariikhda iyo Qaranimada Somaliland
JAWAAB – FAALO Doorashadii Daahir Riyaale Waxay Gefweyn Ku Ahayd Taariikhda iyo Qaranimada Somaliland ee uu qoray Ibrahim Hassan Gagale.
Mudane Ibrahim,
Waxaan maanta akhriyey maqaalkaagan dusha ku xusan. Waxaa layaab igu noqotay oo aan garwaaqsan waayey halka aad wax ka eegtay. Ugu horayn bal aan isla meel dhigno waa kuma Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.
1. Daahir waa muwaadin Somalilander ah xaqna u leh in la doorto, isna u leh xaq inuu cid kale dooran karo.
2. Waa Madaxweyne ku yimi doorasho xag iyo xalaal ah.
3. Waa musharaxii ugu codka badnaa doorashadii madaxweyne ee 2003.
4. Waa muwaadin ka mid ah ummaddan Soomaliland marka laga soo bilaabo bilowga buddhiga taariikhdeena oo ku salaysnayd heshiis beeleedyo iyo axdi garameedyo lagu soo afjaray laguna unkay Somalilandta aad manta argtaa sanadadii 1991-1993.
5. Waa muwaadin buuxiyey shurudihii laga rabay musharaxa jagada uu ku guulaystay doorashadii 2003.
Hadaba hadii uu Daahir kaayey waxaa aad u foolxun inaad maanta ku tilmaantid Somaliland inay dooratay shaqsi ku gafweyn ah doorashadiisu ummadda taariikhdeeda iyo qaranimadeeda.
Waxaa ayaan daro ah in manta oo laga joogo axdi qaranadii muddada intaa le’eg aad sidan foosha xun aad u fikirto. Xaqna waad u leedahay sidaad doontaba u fikir e laakin Somalilanders dibed iyo gudaba nooga tudh indhahayaga iyo dhegahayaga belaayadan aad afuufaysid.
Waxaan kugula talinlaaah inaad cayda iyo aflagaadada intaa le’eg aad nooga tudho oo aad wax iskula hadho. Madaxweynahayagana aad afkaaga ka leexiso inta maalintii dooratayna aad cayda ka deyso.
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin balantii uu ummadda u qaaday maalintii la soo dooranayey ma gudin waa hadal lagartaa oo aan cidna ka qarsoonayeyn. In hogaamintiisu geedigii socodkii, dhalinyaradii, shaqo abuurkii, cadaaladii iyo aqoonsigii Soomaaliland u ka gaabiyey, laakin gafweyn bay ahayd doorashadiisu mid aan kaa maqlayno ma aha, midna qabatana ma ah.
Waxaa marag madoonto waxa ah inaan ku khasaarna doorashadiisii maantana loo baahan yahay hogaanshe ka heersareeya kana indheergaradsan inaad mar labaadka soo doorano.
Hadii aad dhaliilayso xukunkiisa maantana si kale hadalka u dhig oo ummadda ha caayin codkooda siisay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin shalay.
Hadii aad wax ka garanwaydo taladiisa ama hogaankiisa waxaad xaq u leedahay ugana simantahay ummdda ee codkaaga ha siin maalinta la cayimo doorashadan inagu soo fool leh ee Insha Allah ee cabsoomi doonta dayrta horteed.
Qalinkayga iyo fikradayda gaarka ah,
Amina Abdi Jama
Toronto, Canada
