Dad badan oo lagu xidh-xidhay Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool
Laascaanood (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay arday iyo dumar shalay Mudaharaad ka dhigay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo hal qof ku dhintay mudaharaadkaas oo rabshado watay.
Siday sheegayaan wararka ka imanaya Laascaanood dadweyne ardayda dugsiyada, dhalinyaro iyo dumar u badan ayaa shalay mudaharaad ka dhigay magaalada Laascaanood.
Warku wuxuu intaa ku daray, in dadweynahaas oo isugu soo baxay badhtamaha magaaladaas ay ka gadoodeen Macalimiin wax ka dhiga Madaarista Laascaanood oo loo qabqabtay baadhitaano la xidhiidha qaraxyadii u dambeeyay.
Sida warku sheegay, waxay Ciidanka amaanku qabqabteen tiro ka mid ah ardayda iyo haweenka mudaharaadka dhigayay, kuwaasoo xabsiga loo taxaabay.
Mudaharaadayaasha oo ku dhawaaqayay erayo ay ku diidan yihiin xadhiga macalimiintaas iyo kuwo ay ku diidan yihiin Somaliland, waxay taayiro ku gubeen jidadka magaalada qaarkood. Dibad-baxaas oo ahaa mid rabshado watay, waxa ku dhintay hal qof oo shicib ah, ka dib markii gaadhi Ciidanku leeyahay ku xerooday guri dad shacab ahi degen yihiin. Sidoo kale, dadkaa dibad-baxa dhigayay waxay dhagxaan la dhaceen Saldhiga Booliska magaaladaas.
Bareyaasha dugsi Qur’aanka xadhigoodu rabshada dhaliyay, waxay Xukuumaddu u xidhay tuhumo la xidhiidha inay ku lug lahaayeen qaraxyada muddooyinkii u dambeeyay ruxay magaalada Laascaanood.
Dhinaca kale, weftiga Wasiirada ah ee todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa Laascaanood, waxay shalay u hawlgaleen sidii ay u dejin lahaayeen xiisada ka dhalatay arrintaas, dareenka dadweynaha iyo xaalada magaalada.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
wararkasomaliland@gmail.com
