OPINION

120-ka CISHO EE U HOREEYA WAKHTIGA XUKUUMADDA UCID

120-ka CISHO EE U HOREEYA WAKHTIGA XUKUUMADDA UCID
(FIRST 120-DAYS OF UCID GOVERNMENT TERM)
Codeeye, waxaad la socotaa in nidaamka siyaasadeed ee dalkeenu ku sallaysan yahay axsaabta badan isla markaana yahay jamhuuriyad madaxweynuhu awooda badan leeyahay (presidential republic), waxaana nidaamka sidan ah, laga qiimeeyaa waxtarka xisbiga tallada ku guuleysta sida uu u dhaqmo bilaha hore ee ay xukuumadda uu xisbigaasi soo dhisey xilka hayso.

Haddaba, Xisbiga UCID waxaa ka go’an in haddii uu tallada dalka ku guuleysto uu ku dhaqaaqo hawl iyo isu-diyaarinta ka midho-dhalinta barnaamijkiisa siyaasadeed iyo qorshihiisa waxqabad, si uu uga dhabeeyo ballanqaadkiisii, una gudo abaalkii umadda reer Somaliland u gashey ee ay kusoo xulatey.

120-ka cisho ee u horeeya, dawladda xisbiga UCID hoggaaminayaa waxay ku dhaqaaqi doontaa tallaabooyinkan soo socda:-

1.

La wareegista xilka madaxtooyo (isla markaabana xukuumadii oo dhisani ay xilkii la wareegto), iyo dib-u-akhrinta ballanqaadyada qorshahan, si umadda loogu cadeeyo in aaney ballanqaadyada xisbiga UCID ahayn dhalanteed iyo arrin looga gon lahaa in kursiga umadda lagu hantiyo balse xisbiga UCID uu yahay mid u taagan ka dhabaynta horumarkii uu umadda ugu baaqayey. Waxaa kale oo la qoondeyn doonaa kala horeynsiinta hawlaha qorshahan ku jira (Prioritization)
2.

Soo dhisida xukuumad kooban oo tayo sareysa leh, isla markaana waafaqsan qoddobka 1aad ee qorshahan waxqabad ee xisbiga UCID.
3.

Dib-u-eegista iyo Sameynta Miisaaniyaddii xukuumadu ku hawl-gali lahayd sannadka 1aad.
4.

Iyo sameynta guddi farsamo oo ka shaqeysa isu-duba ridka iyo hirgalinta hawlaha la fulinayo 120-cisho ee u horeeya muddada xilka.
5.

Soo saarista wareegtooyin lagu baabi’inaayo guddida nabad-galyada, isla markaana ooda lagaga qaadayo dhammaan maxaabiista ku xidhan sharci darrada een dambi lagu hayn, sida kuwa u xidh-xidhan arrimaha siyaasadeed iyo dib-u-eegista maxaabiista ku xukuman dilka iyo fulintooda.
6.

Qaban-qaabada iyo hirgalinta Shirweynaha Aqoonyahaniinta Somaliland, kaas oo la isugu keeni doono aqoonyahaniinta iyo waxgaradka dalka ee gudo iyo dibadba jooga, kuwaas oo dejin doona qorshaha hawleed (technical and operational plan and policies) ee xukuumadu ku hawlgali lahayd 5-sanno ee ay xilka hayso, iyadoo dib loo eegayo wixii qorshe ah ee haatan jira.Tallo-ka-bixinta magacaabista guddiyada dhaqaalaha, kormeerka, iwm. Shirkani waxaa uu dib-u-eegayaa qorshahan waxqabad ee xibsiga UCID iyagoo samaynaya hanaankii lagu hirgalin lahaa.Sidoo kale, waxaa Kullankan aqoonyahanku tallo ka bixin doonaa Wax-ka-baddelka Distoorka Somaliland ee loo baahan yahay, waddada loo marayo iyo qorshaha dib-loogu-eegayo, laguna kaabayo distoorka qaranka.
7.

Magacaabista guddiyada, (Councils, Commissions, Committees and Agencies) sida Culimada, Dhaqaalaha, Kormeerka-guud, Dekedaha iyo madaarada, iwm. Iyo Dib-u-nidaaminta dhammaan hay’adaha xukuumiga ah.
8.

Qaban-qaabada iyo hirgalinta Shirweynaha Ganacsatada Soomaaliyeed, iyo maal-gashedeyaasha ajanabiga ah (foriegn investors) kaas oo lagu soo jiidan doono maal-gashiga ganacsatada iyo maal-qabeenada.
9.

In xukuumadda ay horgayso barnaamijkeeda waxqabad oo faahfaahsan, miisaaniyada qaran, iyo maxsuulka labada shir ee kor ku xusan golaha wakiiladda JSL, si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.

GUNAANAD (Conclusion)

Ugu dambeyn, qorshahan waxqabad ee xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka, UCID uu halkan kusoo bandhigay waa mid suurto-gal ah oo la jaanqadaya waayaha dhaqaan-dhaqaale iyo duruufaha nololeed ee bulshada iyo dalku haatan ku sugan yihiin.

Ujeedada qorshahani waa mid durugsan oon ku dabraneyn ku gaadhida kursiga madaxweynimo ee dalka balse waxay tahay badbaadinta, kobcinta iyo horumarinta umaddan JSL ee aan helin hoggaan fiican tan iyo 1960kii, maantana u baahan hoggaan karti leh iyo isbeddel togan oo ka tarjumi kara himilada umadda.

Xisbiga UCID iyo Musharixiintiisu waxay si weyn oo dhab ah u ballanqaadayaan fulinta qorshahan waxqabad ee halkan ku xusan Waxaana aannu diyaar u nahay in uu ballanqaadkani noqdo mid sidiisa u qabsooma.

UCID MEDIA


TOP