Koox Budhcad-Badeed Soomaali ah oo Markab ay afduubeen la soo galay Somaliland
Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Markab laga leeyahay dalka Liibiya, ayaa Koox Budhcad-Badeed Soomaali ahi ku soo xidhatay Deked macmal ah oo ku taala meel lagu magacaabo Gacan oo dhawr Km dhinaca bari ka xigta Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Deegaankaasi, Markabkan ay afduubeen Kooxda Budhcad-Badeedka Soomaalida ahi, ayay saaran yihiin Shaqaale tiradoodu gaadhayso 17 qof oo u kala dhashay Dalalka Liibiya iyo Romania. Waxaana Warku intaas ku daray in Markabkan laga soo afduubay Biyaha Gacanka Cadmeed.
Budhcad-Badeedda Soomaalida ah ee Markabka Afduubay ayaa la sheegay inay tiradoodu 10 qof tahay, ayaa Markabkan oo uu ka dul taagan yahay Calanka Waqooyiga Kuuriya soo afduubay Arbacadii shalay.
Dhalinyarada deegaankaas ayaa la sheegay in ay isu-abaabulayaan sidii ay ugu biiri lahaayeen Kooxda Markabka Afduubtay, si ay ugu suurtogasho in ay madax-furasho dalbadaan iyaga oo deegaankaas ku sugan. Hase ahaatee, Odayaasha Deegaankaas ayaa ka dalbaday Kooxdaas inay deegaankaas kala baxaan Markabka ay soo afduubeen.
Halkan kala soco wixii ka soo kordha…
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
