Guddoomiye-xigeenka Golaha Guurtida oo la sheegay in uu is-casilay iyo fadhigii maanta ee Golahaas

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa fadhigii maanta ee Golahaas soo gebogebeeyay, ka dib markii loo dhiibay Qoraal uu sheegay in aanu hore uga war haynin, balse uu ka gaabsaday in uu shaaciyo waxa ku qoran.

Fadhigii maanta ee Golahaas oo uu Guddoomiyaha Guurtidu shirguddoominayay, ayaa Md. Saleebaan markii uu Golaha galay waxa uu Mudanayaasha kala hadlay halkay marayso xaaladdii wada-hadalada iyo waan-waan dhawaanahanba ka dhex socotay Shirguddoonka dhexdiisa, waxaanu sheegay in aan weli waxba laysla garan.

Guddoomiyaha oo hadalka badhtamaha kaga jira, ayaa Xoghayaha guud ee Golahaasi uu Guddoomiyaha u dhiibay Qoraal uu Saleebaan Maxamuud ka gaabsaday in uu ka hadlo nuxurkiisa, hase ahaatee sababay in uu Guddoomiyuhu Golaha xidho oo uu Mudanayaasha ballamiyo in beri oo Axad ah laysku soo noqdo. “Arrin baa nagu soo korodhay aanan hore u ogayn ee anaga Shirguddoon ahaan isku noqonayna ee waa inoo berito, Goluhuna wuu xidhan yahay.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Inkasta oo ay Shirguddoon ahaan ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan, haddana wararka qaarkood ayaa sheegaya in uu Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Golahaas Sh. Axmed Nuux Furre uu is-casilay, balse ma jirto cid xaqiijisay.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com