Diyaarad Khaas Ah Oo Md Axmed Silanyo Kaga Imanayo Maalinta Axadda Ethiopia

Addis Abab (Somaliland.Org) Guddomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Silanyo ayaa soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee casimada dalka Ethiopia maalintii arbacadii, isagoo safar kaga soo noqday dalka Maraykanka. Guddomiye Silanyo ayaa intii uu joogay magaaladda Addis Ababa ayaa waxu kulamo la yeshay safiirka dalka Ingiriska u fadhiya Ethiopia, safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Ethiopia.

                                                                                                                          Md Axmed Silanyo ayaa waxa uu safar laba wiig qaatay ugu maqnaa dalka Maraykanka, kaas oo uu ka helay casuumad. Mudadii uu dalka Maraykanka joogay Guddomiye Silanyo waaxa uu kulamo la leeyahay masuuliyin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Baarlamanka Maraykanka iyo hayadaha caalamiga ah ee caawiya Afrika.

Kadib markii uu soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee kulamada la qaatay masuuliyinta dalkaas iyo safaaradaha qarbiga aya waxa u qorsheysnayd inuu maalinta Axadda ka dhoofo Muj Silanyo dalka Ethiopia, isaga oo raacaya diyaaradda Daallo Airlines.

Hase yeeshe, waxaa soo shaacbaxay in mudane  Md Silanyo loo qorsheeyay in ay soo qaado  diyaarad isaga u khaas ah, oo qaadaysa isaga iyo marwadiisa.

Arintan ayaa ka dhigaysa Ahmed Silanyo masuulkii ugu horeeyay ee soo dhaween caynkan ah loo sameeyo. Waxa jiray safaro door ah oo Madaxweyne Rayale iyo wasiiradiisu ugu kicitimaan dalka dibada, iyaga oo isticmaalaya diyaaradaha caadiga, sida Daallo Airlines. 

Diyaarada khaaska ah ee sida guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo marwadiisa ayaa lagu wadaa in maalinto berrito (Axada) ay so caga dhigato garoonka Diyaradaha ee Egal International Airport.

Somaliland.Org (c) 2010
Addis, Ethiopia