Abwaanno dhaliilay Siyaasadda hoggaanka dalka, kana dayriyay xaaladda nololeed ee Bulshada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Abwaannada Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-Ganey), ayaa ka hadlay xaaladda dalku hadda ku sugan yahay, isla markaana waxay isbarbar-dhig ku sameeyeen Noloshii waqtiyadii hore ee Soomaalida iyo ta waqtigan ee Shacabka.

MMunaasibad saldhiggeedu ahaa bandhig Suugaaneed ay goob-joog ka ahaayeen Abwaannada kala ah, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Xasan X. Cabdilaahi (Xasan-Ganey), Axmed Aw-Geeddi (Dheeraad), Hurre Ibraahim Warsame (Hurre Walan-wal) iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, ayaa xalay lagu qabtay Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ay Abwaannadu si faahfaahsan uga hadleen arrimo la xidhiidha xaaladda Bulsho iyo Siyaasadeed ee waqtigan dalku ku sugan yahay, ayaa hal-abuurkii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka hadlay dhalinyarta iyo Suugaanta, waxaanu ka waramay sababta keentay in ay Hal abuur ahaan dhawaanahan ka gaabsadaan curinta. “Anaga waxaa nagu ballan ah in aanu idin soo hor fadhiisano oo qalabkii lagu dagaal gali jiray aanu idin nidhaahno, niyad-jabkana waxa keenay anaga maahee dadka weeye. Waxa uu ku odhanayaa baryahan waxba maad odhane, markaasad u dhiibaysaa mid (Sugaan) halisa, markaasuu cudur-daar raadinayaa oo uu ku odhanayaa way dheertahay. Waxa uu ku odhanaya maxaad u duubi wayday, oo waxa uu doonayaa wax isaga oo iska fadhiya in ku matalo, lakiin qof dagaal u diyaara maaha.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Mar uu ka hadlayay taliskii Siyaad Barre iyo doorkii ay hal abuur ahaan ku lahaayeen, ayaa waxa uu yidhi, “Markii laga quustay nidaamkii dalka ka talinayaay ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Bare, waxa ii iman jiray dhalinyaro oo waxay I odhan jireen maxaa la samaynayaa, aniguna hadalka kalmad kaliya ayaan ka aqaano waxaan ku odhan jiray, nidaamka aan ku boobno (aynu tuurno), laakiin maan raacin jirin sidee loogu boobaya iyo maxa lagu boobayaa. In lagu boobana waa tii noqotay oo dagaal hubaysan lagaga hor yimaado, maxaa yeelay isaguba uu hubaysnaa, dabadeed waa tii dibada loo baxay, aniguna Ingiriiska shan sano ayaan ku maqnaa oo markaan dadkaygii iyo dalkaygii u xiisay ee aan waayay ayaan dib ugu soo laabtay.”

Hadraawi wuxuu is-barbar-dhig ku sameeyay Noloshii hore ee Bulshada iyo ta ay hadda ku sugan yihiin. “Waxaynu soo gaadhnay wakhti uu dhaqaalahoogu ka xoog weyn yahay baahidooda, Caano ayay dadku dhami jireen labada wakhti, qofkuna waxaa uu dhiman jiray iyadoo Ilkihiisu cadcad yihiin oo aanay jirin wax allaale wax uu ku calaaliyay ama uu 100-jir ku gaadhi jiray. Noloshaasi waxay ku dhisnayd tacab oo qof bilaash wax ku helayaa ma jiro oo qof waliba waxa uu la soo baxo ayaa uu helayaa, noloshu waa tartan oo waxa wax lagugu siinaya oo lagugu hadal-haynayaa oo lagugu qiimaynaya tartanka nolosha halkaad ka gasho. Waxaan anigu soo gadhay umad isku filan iyaduna xilkeeda ka soo baxda oo tidhaahda wixii la arki jray afkooga laga akhristaa wixii aan la arki jirina bisanka Alle ayaa laga qabsadaa oo nolosheeda gacanta ku haysatoo xilkeeda ka soo baxda. Waxay awoodi wadana Ilaahay u cuskata oo isku kalsoon oo siman, dabeed waa tii uu guumaysigu Carriga yimi oo gumaysigu mar kaliya albaabkii gumaysiga furay.” Ayuu yidhi Abwaanku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Markii uu arkay in albaabkii la taabtay waa kii iska tagay, maantana mushkilad kale inama haysatee baabkii hunguriga ayaa inagu furan..Noloshuna Hunguriga maxaan siiyaa maahee waxay doonaysaa waa karaamo. Dabadeed qofka hungurigiisi iyo tacabkiisi markay kala bateen oo ay isku iman wayeen oo baahidii Hungurigu ka badatay, waa tan keentay in dhagax la iibiyo dhulka la iibiyo oo dhirta la shido oo Ugaadha la iibiyo oo karaamadii la iibiyo, oo diinta la iibiyo, intaas oo dhami waxay ku baxday ka jawaabida baahida hunguriga.”

Dhinaca kale, Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xan-Ganey) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee hadda dalku ku sugan yahay. Waxaanu naqdiyay wax-qabadka Masuuliyiinta iyo hoggaanka dalka oo uu saluug ka muujiyay. “Adduunyadu barigay cusbayd ee ay da’da yarayd ay sidaan dhaantay ee khayraadku buuxay ayaa waxa la yidhi maahmaah ayaa jirtay la odhan jiray, shalay dhaantay. Adduunyadu waynu ognahay waxa afarteeda gees ka socda inaguna waynu is-ognahay hoos ahaan ayaynu isu-ognahay. Nin xil Qaran qaaday oo umad xilkeed qaaday in mid dad iyo mid dawladeed oo dusha saaray oo la ambaday ee garan waayay wixii umadda waad la ambataye iska du’ hadduu jecleystay inuu xilka sii fadhiyo, waxay ahayd in uu yidhaahdo, Maan rag waa mudacyo Afkoode la tasho. Haddiise xaalkiisu noqday kuu talin maayo, kaa tagi maayo, kula tashan maayo, dee Jabtida Geed baa dawo u ahe ee iska celiya. Berigii hore Geedku Nin ayuu lahaa, Gabaygu qof ayuu lahaa, Deeqdu nin ayay lahayd, Dooddu nin ayay lahayd.” Ayuu yidhi Abwaan Ganey, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Ragga intii Geedka laga ilaalin jiray ayaa imika Umadda u cimaamadan. Markaad Madaxda u tagto ee aad tidhaahdo maxaad soo qabateen, waxay ku odhanayaan Aniga iyo Madaxweynaha Barkimo ayaa noo dhaxaysay. Xoolaheena waynu sahan tagi jirnay, qofka Xoolaha og iyo qofka aan ogayn waa la kala yaqaanay. Gobonimadii dhamayd ee aynu u hoobanay ma naqaano faa’iidadeeda.”

Abwaan Xasan-Ganey wuxuu ka hadlay nuxurka hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeen ka tirsan Xukuumadda oo lagu sheegay in aanu Siilaanyo dalka soo geli karin ilaa uu waydiisto cafis. Waxaanu sheegay in ninka yidhaahda Xoolaha Umadda maxaa loogu qabtay loogu neceb yahay. “Waad ogtihiin oo Axmed Maxamed Siilaanyo oo Guddoomiyihii Umadda ahaa oo shalay lagu hadaaqayay oo la lahaa, wuu dhacay Siyaad, Siilaanyo dhalay, ayaa maanta la yidhi Car dalka kaalay..Ninka ogaada ee taba Xoolihii halkay mareen halka lagu cunay iyo halka la dhigtay ee yidhaahda umadan maxaa wax loogu qaban waayay, ayaa loogu necab yahay, waa ninkaas ninka Shiidka loo gurtaa.” Ayuu yidhi Abwaan Xasan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ballankii SNM ay ahayd in marka talada dalka la qabto lagu xukumo Kitaabka Alle iyo Shareecada, hase ahaatee taa bedelkeeda la qaatay Dastuur Maraykan. “Ilaahay markii uu dunidana sameeyay Kitaab buu soo raaciyey, ilaahayna waxaanu la galnay ballan ah in marka Waddanka lagu soo laabto aanu isku Xukuno Kitaabka, markii aynu soo galnayna waxaynu qaadanay Hanti-goosi iyo Dastuurkii Maraykanka” ayuu yidhi Abwaan Xasan-Ganey.

Gebogebadii, waxay Abwaannadu halkaa ka jeediyeen Maansooyin ay hore u curiyeen oo la xidhiidha xaaladda Nolosha.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com