YAA INA HABAARAY….(QAYBTII KOWAAD)

YAA INA HABAARAY….(QAYBTII KOWAAD)
Ahmed Arwo

CODKAAGA KU CIIL BAX, waxa hortimid su’aalo ah Codkee? Halkee food ka jiraa? Aan codeeyee meeday doorasho?. Haddaba waxaan hakiyey Codkaaga ku Ciil Bax, ilaa aan dhabada cod-bixinta ka qaadayno isbaarada dabataxanta ah ee ciddii waajibka ay ku ahayd inay doorasho qabataa dariiqa daadinayso. Xilka ugu mudan ee Xukuumad dimuquraadi ahi leedahay waa inay xaqiijso in la helo tartan xalaal ah oo doorasho ku dhacdo xiligeeda. Waana qalad in lagu abaal mariyo korodhsiimo iyo cimri-dherar aan sharci ahayn. Ciddi ummaddu dooratay waxa waajib ku ah in awoodda dib ugu soo celiso dadweynaha kolka muddadii ay xilka u dhiibteen ka idlaato.

Cinwaanka maqaalku, waa ereyo uu qaalibay nin oday ah oo ilaa lixdankii qayb ka ahaa raga arrimaha siyaasadda iyo bulshaba isteerinka u haya. Waa eryo naxadin iyo qoomamo leh, waa niyad jab iyo filan-waa, waa amakaag iyo dhabana hays… Waxa ereyadan marka arrin naxadin aan loo fadhiyin dalka laga soo sheego, afku ka xadi jiray oday Muj. Cali Doob-ilkoole oo ka mid ah odayada reer Cardiff, haddeerna ku maqan Hargeysa…Cali waxuu ii sheegay in ererkaasi ka soo baxeen si kama’ ah afkiisa kolkii la yidhi doorashadii Madaxwenaha waxa helay Riyaale oo ku kasbaday dhaqdhaqaajin sanaaduuq iyo riixidii Xaaji Cabdikarim ka marag furay: ” Axmedow annagaa kaa hiilinay…”.

Waxa ayaan darro ah in arrinta dalka ka timaadaaba tahay ishaysi, iyo qalalaase ula kac looga soo unko Madaxtooyada. Madaxweyne waxa loo doortay waxqabad, horumar, toosin, dhaqaajin, taakulin, kicin, hagid iyo barwaaqayn. Madaxweyne waa mas,uulka ummaddu dooratay, ahna cidda xilka guud ee mas’uuliyadda xukuumaddu saarantay. Waa cidda ugu awood weyn ee shacbigu u soo cabanaayo, kolka Wasiir amba sarkaal kale ay wax ka tirsadaan. Awoodda shacbigu siiyey, ayuu Madaxweyne u doortaa Wasiiro iyo mas,uuliin kale si ay ugu shaqeeyaan dadweynaha. Kolka cabasho timaado, xilku waxuu farayaa in Madaxweynahu u arko mas’uulka laga cabanayaa mid cidda ka cabanaysaa tahay ciddii uu u magacaabay inuu u shaqeeyo. Ma aha sida Madaxweynaha ka muuqata inuu gar iyo gar-darraba la safto mas’uulka.Waxa marag ma doon ah in Wasiiradu noqdeen dar aan waxba iskaga tirin sharciga iyo gudashada waajibkooda, waxa maqan la-xisaabtan, waxayna u dhaqmaan gardarro garab og. Waxa ka dhigay awr dabar la’aan dha’cay waa xil-guadasho la’aan dhanka Madaxtooyada ah.

Waxa iyna xukuumadda waajib ku ah inay soo bandhigto barnaamajyo, iyo siyaasad dhaqan, bulsho iyo dhaqaale ee dalka, mid dhow iyo mid fogba. Waxa ay tahay inay dhaliisha dadweynha iyo mucaaridka kaga jawaabto qorshe iyo siyaasad toosin ah amba sixid ah. Waa inay shokaanta madasha siyaasadda iyadu hagtaa, halka ay manta noqotay mid dabo guclaysa Mucaaridka. Xaalku ma aha inuu noqdo raad-gurka Kulmiye iyo UCID, ma aha u jawaab Kulmiye sax iyo qaladba, ma aha ka xumaada dhaqdhaqaaqa Kulmiye, juuq-dhegeysta Kulmiye, Wax-qabad ka madhan, wax-dhe ka maydhan…Waxa dalku u muuqdaa mid Kulmiye xukumo, Xukuumadduna tahay mucaarad.. Bal dib u dhegeyso qudbadii maaxatay ee sanadka la sugaayey ee Madaxweynha oo ka hel wax aan ahayn..Kulmiyaa yidhi, anna waxaan ka idhi..iyo mucaaridbaa dunida maray ana waxaan ku talaabsaday…Hadda waa bishii sannadka ugu horeysay ee waajibka dastuurku dhigaayo inuu Madaxweynahu la yimaado barnaamajka sanadka oo uu ka hor akhriyo Golayaasha …Weli miisaaniyadii sanadku waa mid circa ku maqan, xisaab celinna lama hadal hayo.

Waxuu taabtay cabasho ah dilka Sool lagu ugadhsaday madaxdu in la yidhaahdo waxa ka dambeysay xukuumadda…haye kolka Sarkaalkii CIDa ugu sareeyey gobaku uu dilo Sarkaalkii Ciidanka abaanduulaha u ahaa, welina laga werwereegaayo xukunkiisa maxay tahay ee kale? Miyaanu kan waxdilay iyo kan la dilayba ahayn wakiiladii xukuumadda ee gobalka?

Waxuu tibaaxay khilaafka Guurtida iyo eedeynta ah in duufaanku ka soo kacay fadhiga Madaxtooyad. Haddii raga duufaanka kiciyey yihiin darka maalin walba la taagan waxaanu nahay Muxaafid oo colka xukuumadda u riyaaqa ayaanu nahay, ma thay mid loo arko sidaas? Maxaa u diiday Madaxweynahu inuu xilkiis guto oo intuu labada garab u yeedho u muujiyo sida loogu baahan yahay wadajirka iyo soo-afjarka khilaafka? Waa xukuumad ku wacan inay mucaarid ahaato, oo waxay sugaysaa kolka Kulmiye dhaqaajiyo! Kulmiye baaq ayuu haddaba ka soo saaray ee waa lagaa sugayaa inaad mid kale ka soo dabo saarto.

Dadweynow, Kulmiye isagoo mucaarid ah, ayuu kasbaday maanka iyo dhegaha adduunka, waxuu magaca Soomaliland gadhsiiyey meel dheer iyo caro khawaaje. Kolkuu Gud. Siilaanyo la fadhiistay raga taladu ka go’do ee Maraykan sida Mud. Payn oo u qaabilsan Arrimha Debedda iyo Afrika, waxa la yidhii waxuu la fadhiistay cadowga Soomaliland. Waa yaab haddaan ninka Afrika u qaabilsan loo qadimin qadyadeena halkaynu Maraykan u marnaa? Micnehu waa hinaase iyo fashilaad la qaawiyey tamarta xukuumadda fadhiidka ah….Waxa mahadsan Wasiirka arrimha Debedda Cabdillaahi Ducaale oo arrintaas sida ay tahay u sheegay. Loogama baran, wuu se asiibay doorkan.

Waxuu yidhi Wasiirku…” Arrintaasu maaha arrin xukuumada ka suuro gasha, arrin xukuumada ka timidna maaha, waa wax ku khaasa Wasiirka yidhi, Waxaanu rejeynaynaa intii uu dalka ka maqnaana inuu dalka wanaag u soo waday, oo wanaag ka soo sheegay, oo ku hawlgalay qaddiyada Somaliland ciddii uu arkayba. , waxaanuna ognahay inuu arkay Sentor Donald Payne iyo ninka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Somalilandba, waxaanuna reajeynaynaa inuu ahaa duq u maqnaa qaranka oo Qaranka wadajirkiisa iyo midnimadiisa u maqnaa”.

Isagoo ka jawaabaya hadalkii ka soo yeedhay madaxweyne Riyaale ee ahaa Mucaaridku debedda wax-xun ayey la wareegaan, iyo Wasiir kuxigeenkiisa Kayse oo is yidhi hadalka Madaxweynaha sii diiri, bal se marin-habaabay. Was/Xig Axmed Keyse waxa uu yidhi ” Waa in Axmed Siilaanyo cafis na weydiistaa, haddii kale dalka ma soo geli karo” isagoo ku eedeynaaya in Axmed Siilanyo aaminsanaa sida ay SNM aaminsanayd xiligii halganka iyo taariikh la soo dhaafay…Waa dhacdo taariikh ah nin kasta oo akhristay dastuurka SNM na uu garnkaro..magacaaba u daliil ah, iyo in Guddoomiye xigeenka SNM ahaan jiray nin Koonfur ka soo jeeda. Waa taariikh la soo maray manta se ayna waxba ka jirin. Soomaliland waa dal xor ah rabana inuu doorasho madaxtooyo mar labaad qabsado. Xiligaas iyo taarikhda ku noqoshadeeda uma fiican Riyaale iyo kooxdiisa oo kolka la qodqodo ayey ku waalan waa tii leys-saamaxay…illeyn waxa la fadhi maxay tahay NSS/ Xilku hayey Riyaale, Ciro, Warancadde iyo Qaar kaloo badani maxay ahaayeen? Halkay joogeen?…Intaa u dhaafimaayo manta ee bal wedwedka taariikhada ha sii wadaan..anagana waxa noo furmeysa fursad naga xidhnayd..

Murtida xukuumadda Riyaale waxa si wacan looga dheehday hadalada ka soo yeedhay Wasiiradiisa. Dejintii xaalka ee Wasiirka debedda waxa In yar kadib waxaa TV-ga UDUB soo galay oo isna ka hadlay socdaalka Axmed Siilaanyo Wasiirka Warfaafinta Ina Rayaale Axmed Xaaji Daahir ,waxaana uu yidhi:”Mucaaridku inta ay xanaaqa iska daayaan , oo ay kala gartaan Rayaale iyo Somaliland, ha kala caddeeyaan inay Federal ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi u aaminsan yihiin sida afkooda laga hayo, iyo inay ka noqonayaan oo ay shacibiga cafis iyo saamaxaad weydiisanayaan”. Faalo iigama baahna, oo waxa maanka fayoobi, arkayaa inayna jirin hadaf ay wadaagaan wasiiradu. Meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan iskuma oga. Waa meero iyo nin waliba dhankuu doon how tugado!. Haddayna garanayn siday salaada isula qabsadaan, ma hagi karaan Soomalilnad?

Aan ku noqdo YAA INA HABAARAY…Maanta dalkeena waxa ka jira daraf ilaa daraf qaybsanaan, qolo-qolo ka hor gee, dhac iyo boob hantida qaranka nin waliba inta uu cantoobsan karo iyo inta kursigiisu u qaadi karo. Waxa timaha leysagu xidhay reer Selel iyo Awdal, hadda Selel waa garab uu Riyaale Awdal ka goo,yey bal se ku dhisan qabiil, hoos u daadag oo waxa madaxa iskula jira reer Dila iyo Magaalo-cad, iska dhaaf Dila iyo Gabiilay…Waxa aan cidna loo xidhin, xalna loo helin Ceelbardaale iyo Waqooyiga Hargeysa. Iyadoon degmooyinka Salaxley iyo Baligubadle oo dhowr iyo toban sano jiray aan xad degmo loo samayn ayuu Madax/W ku dhawaaqay labaataneeye degmo oo cusub..iyo gobalo reereysan… Waxa uu damcay inuu Togdheer ka dhigo meel reer u khaas ah, degmada Xaaji Saalax ayuu yidhi Oodweyne raaca, reer Xaaji wey garteen oo waxay yidhaahdeena Togdhheeer waa anaga…Meel keliya oo xad lehi ma jirto, degmo keliya oo sharci ahi ma jirto, waa qas iyo qalalaase iyo doorasho lagu doonaayo been iyo khiyaamo. Xukuumaddu waxay u aragtaa dadkeeda nacas iyo doqon, waxay ku haysaa jahli iyo faqri, si ay uga faa’ideysatoitaal yaridooda .

Kelitalisku waxuu doonaa inuu dadka ku hayo gaajo iyo aqoon darro. Fikir bulsho looma baahna oo anigaa u fakiraaya. Dheregna ka dheeree oo kolba laftaad cunto u tuur ha feenteene. Qaybi oo qaybi oo wiil iyo waalid isku dir, oo wiil iyo walaal kala durki, oo sodog iyo sodoh u kala turjumaan. Aqoonta la colow, jahliga la saaxiib, nacaskooda u cumaamad, fuleygooda hubka u dhiib…ha baqdin dilo cid kasta oo nuuxsata. Deedna karbaash iyo cabsi ugu dar. Gaajo, qaybsanaan,jahli, iyo Cabsi waa dariiqa loo maro kelitalisnimada.

Aan ku soo laabto YAA INA HABAARAY..Cali maalin kale ayuu si gaar ah u yabay. Waxuu maqlay in halkii Muj Derewal iska casilay uu qaatay Mud. Cabdi Haybe, waxuu igu yidhi..Awoow Axmed kolkii derwal is casilay ayaan is idhi qoyskiinii habarkii laga qaad…maanta se kiiyoo malaasan ayuu dayrka iigu soo dhacay..” Cali marwalba waxuu i yidhaahdaa “Awoow” isagoo i xusuusinaaya inuu aabahay abti u yahay, aniguna waan ku jeclay isaga iyo reerkoo dhanba. Aabahay ehelkii waa ehelkey.

Cali-Doob-ilkoole waxaan leeyahy Awoow weli meynaan garan cida ina habartay, balse kol haddii habaar jiro…ku dar aan ducaysano oo waadiga Hargeysa joogee ugu baaq dadka duco, sadaqad, quraan akhris iyo salad wadata…Waar aan ducaysano..oo qof waliba si niyad ah Alle ha uga baryo inuu xaqqa ina tuso,inuu inta xun inaga qabto, inuu inoo dooro inta wanaagna jecel, marwalba daafaca oo u dagaalan xaqqa,ka durug markhaati been ah,ka fagow hafaraad iyo ceebeen, ka dhowrsanow laaluush iyo xatooyo. Ha naqon xaabada lagu karsado xaaraanta…oo yaanu eex kugu kaxaysan daalin xaaraan daaq ihi…

Maqaal kale ayaan ku soo afjari habaarka iyo halkuu yuururo.

Salaama iyo nooli kulantee,

Waa inoo qormo kale Insha Allah.

Join SAMOTALIS @

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=nf

Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/


Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 1/27/2010 04:27:00 PM