Ifa-faalaha Isbeddelka: Habqanka iyo Hadallada Isdhaafka ah ee Xukuumadda

By: Archit-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)

1. Hordhac:

Rabbi (SWT) ayey mahadi u sugnaatay. Waxaa nasiib wanaag ah inuu dhicisoobay qorshihii ay xukuumaddu damacsanayd (sidii horeba looga bartay) inay dalka qas iyo qala-laase ka abuurto shicibkana iskaga horkeento. Hirgeli waa qorshihii ay xukuumaddu rabtay inay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Mujaahid Ahmed Silaanyo kaga mamnuucdo inuu dalka Somaliland dib u soo galo, illaa iyo inta uu xukuumadda cafis ka dalbanayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxay xukuumadda oo uu madaxweynuhu horseed lka ahaa ku eedeysay hadalqaadkii uu soo hadalqaaday himilooyinkii jabhaddii waddaniga ahayd ee dalkan xoraysay iyo qorshe federaali ah oo la isla soo hadalqaaday kaasoo khuseeyey jamhuuriyaddii la isku odhan jiray Somaliya, kaddib markii xoogaggii SNM ay dalka ka xoreeyeen taliskii Siyaad Barre, taasoo ahayd ka hor intaan lagu dhawaaqin gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeedada ay doonto xukuumaddu ha ka lahaatee, ereyada xajiinta leh ee ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo habqanka iyo hadallada isdhaafka ah ee ka dambeeyey ee xukuumadda ka soo yeedhaya waxay tusaale cad u yihiin tayo xumada iyo masuuliyad darrada ragaadisey xukuumadda Riyaale, taasoo dhaawacday karaamada iyo sharafta ay dadka iyo dalka Somaliland ku lahaan jireen bulshada caalamka.

Xukuumadda Daahir Riyaale waxay caado ka dhigatay inaanu dalkeennu ka bixin muran iyo is-maandhaaf siyaasadeed oo joogto ah, hawl wadeennada golaha xukuumadduna waxay u tafa-xayteen kala qaybinta iyo kala qoqobidda bulshada Somaliland, iyagoo had iyo jeerna heegan ugu jira hirgelinta danahooda gaarka ah, halkii ay bulshada u adeegi lahaayeen.

Haddaba, hadalladan is-burinaya ee sida isdaba joogga ah ugu soo baxaya xukuumaddu waxay hordhac u yihiin neecaw isbeddel oo dalka Somaliland ku soo fool leh. Waa tilmaamaha, ifa-faalaha iyo sifaha lagu garto dhicitaanka xukuumad fadhiid ah oo waqti badan kursiga keli ku ahayd, kuna guuldarraysatay kasbashada kalsoonida shicibkeeda!

2. Warsaxaafadeed looga jeedo warfadeexadeed:

Bal u fiirso, muddadaa uu Daahir Riyaale xilka madaxweynenimo hayey labadii illaa saddexdii biloodba waa in dalka laga sameeyo xaalad-abuur, muran iyo makeeki qorshaysan, is-maandhaaf siyaasadeed, cay iyo aflagaado qaawan oo xurmada iyo karaamada muwaadiniinta Somaliland, siiba kuwooda biri ma geydayda ah lagu bahdilayo si bulshada looga horkeeno, falalka noocan ah oo aan haba yaraatee dadka iyo dalkba dani ugu jirin. Lama soo koobi karo khilaafaadka dhacay intii uu Riyaale xukunka hayey, balse waxaynu tusaale ka soo qaadan karnaa qaar ka mid ah khilaafyadii dastuuri, siyaasadeed ama dhaqaale ee 5-tii sano ee ugu dambeeyey hoggaanka Daahir Riyale:

Khilaafyadii xeerka doorashooyinka golaha wakiillada 2005-tii, khilaafyadii shirgoddoonka Gol. Wakiillada ee 2005-tii, khilaafkii moddo kordhinta Guurtida 2006-dii, khilaafyadii miisaaniyadda 2006- 2007-2008-dii, khilaafyadii urur siyaasadeedkii Qaran iyo xadhigii suxufiyiinta(Haatuf) ee 2007-dii, khilaafkii dhaqan gelinta xeerka saxaafadda 2007-dii, khilaafyadii 4-tii jee ree moddo kordhinta m/weynaha iyo ku xigeenkiisa: April 2008 March 2009 May 2009 iyo Sept. 2009, khilaafyadii Golaha Guurtida iyo Wakiillada 2007-dii iyo xeerkii lagu dooranayey xubnaha golaha guurtida 2008-dii, Khilaafkii heshiiska Shirkadda batroolka Total, khilaafkii dhoofinta xoolaha iyo Aljabiri 2008-dii iyo heshiisyada shirkadaha shisheeye lala galay, khilaafkii xidhitaanka golaha wakiillada iyo mudaharaadadii dhimashada keenay ee Sept. 2009, khilaafkii Ceel-bardaale 2009/2010, khilaafkii magacaabidda xubnaha komishanaka cusub Okt/Nov. 2009, khilaafka Golaha guurtida Jan. 2010, khilaafkii Silaanyo iyo fikirka federaaliga Jan 2010…; lama soo koobi karo!!!!

Marka uu muddo badan aamusnaadaba waxa uu madaxweynuhu qasriga madaxtooyada horteeda ku qabtaa shir jaraa’id oo uu dadweynaha Somaliland isleeyahay aad ugu xog warrantid. Halkii ay ka habboonaan lahayd inuu Radio-ga ama TV-ga kala hadlo umadda uu xukumo, ahna hab maamuus ay ku dheehantahay qadarin iyo ixtiraam uu ninka masuulka ahi u muujinayo ummaddiisa si ay muuqaalkiisa u arkaan ama codkiisa u maqlaan.

Bal u fiirso, madaxweynahu isaga ayaa bilaaba horseedna ka ah xaalad-abuurka, daan-daansiga iyo kala qaybinta bulshada walaalaha ah dhexdeeda laga wado, kaasoo uu warsaxaafadeedkiisu hordhac u yahay.

Farsamooyinka uu madaxweynuhu adeegsado waxaa ka mid ah soo jeedinta warsaxaafadeed uu xaqiiqdii uga jeedo war-fadeexa-deed ! Ujeeedada ugu weyn ee badanaaba madaxweynuhu ka leeyahay warsaxaafadeedyada uu qabto waxa weeye inuu dhaliil iyo dhaleecayn u soo jeediyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah iyo shaqsiyaad uu is leeyahay maamulkaaga ayey ka soo horjeedaan. Iyo inuu kaga hadlo xeerar dastuuri ah oo sida isagu jecelyahay u dhigo iyo difaacidda ilo dhaqaale iyo shirkado isaga dano shakhsiyadeed ugu jiraan. Shirarkaa jaraa’id waxaa ka reebban ka soo qayb-galka saxaafadda xorta ah, iyo in saxaafadda meesha joogta ee afka dawladda ku hadashaa ay haba yaraatee wax su’aalo ah ka weydiiso dhinacnaba waxaa uu ka hadlayo.

Bal u fiirso, habka iyo weedhaha uu madaxweynuhu ku bilaabo khudbaddiisa iyo farriinta laga akhrisan karo muuqaalka wejigiisa. Loogama baran mana dhacdo in madaxweyne Riyaale khudbaddiisa ku bilaabo ereyadan: Alxamdulillaahi Rabbal Caalamiin, Wa-šalaatu Wa-šalaamu Calaa Rasuullilaah(…), Salaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wa barakaatuhu, Muwaadiniinta Somaliland ee sharafta iga mudan, gudaha iyo dibedda meel kasta oo aad joogtaanba,(…). Sidani waa qaabkii ama habkii uu ku bilaabi lahaa nin aaminsan inuu yahay masuul ummadeed oo qaaday xil bulsho oo culus, aakhiro iyo adduunkana lagala xisaabtami doono!

Shirarka jaraa’id ee uu madaxweynuhu qabto aad bay ugu yaryihiin ereyada iyo weedhaha ka hadla ama soo gudbiya: Alle ka cabsiga; cibaadada; naxariista; nasteexada; xaq soorka iyo u sinnaanshaha caddaaladda; qiraalka khaladka xaggiisa ka dhaca; u garaabidda dhibta baaxadda leh ee bulshda danyarta ah haysata; dhiirri-gelin bulsho iyo in dalka lagu dhiso iskaa wax u qabso; rajo gelin ummadnimo iyo hiigsiga himilooyinka mustaqbalka; xog warran calool furan oo xaqiiqo ah wixii qabsoomay iyo wixii qabyo inaga noqday; qiraal iyo xusid halgankii dalka loo soo galay kuwii naftooda u huray iyo cid kasta oo suurto gelisay nabadgelyo ku wada noolaanshaha bulshada Somaliland,….

Arrintu si kastaba ha ahaatee hadalka ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arr. Dibedda ee uu ka sheegay TV-ga Qaranka kuma koobna isaga oo keliya. Wasiir ku xigeenku waxa uu ahaa keliya qof loo adeegsaday cod-gudbiye ahaan (Transmitter). Waayo ma laha awoodda uu haddalada noocaas oo kale ah saxaafadda ka sheegi karo haddii aanay madaxdiisu la ogayn. Arrintani waxay u muuqataa qorshe ay xukuumaddu si qoto dheer uga soo shaqaysay, hordhacna uu u ahaa warsaxaafadeedkii uu madaxweyne Riyaale jeediyey 19.01.2010 oo uu si gaar ah dhaleecayn culus ugu soo jeediyey xisbiyada mucaaridka ah, saxaafadda Somaliland iyo bulshada qurba joogga Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu warsaxaafadeedkiisaa si gaar ah ugu weeraray hoggaamiyaha Xisbiga mucaaridka Kulmiye Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), isla markaana uu tibaaxay inuu shaki weyn ka qabo aaminsanaanta Axmed Silaanyo ee gooni isu-taagga Somaliland oo ilaa iyo hadda ay Calaamatul su’aal saaran tahay?!

Haddaba su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay muxuu daarnaa hadalka uu madaxweynuhu warsaxaafadeedkiisa ku weeraray Mujaahid Ahmed Silaanyo, dariiqana ugu sii xaadhay hadalladii isburinayey ee dhawrka wasiir ee xukuumadda ka wada tirsan ay iska daba yidhaahdeen? Waxaa lagu macnayn karaa in madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ujeedooyin kala duwan ay ka lahaayeen haddalladan xajiimaysan, tusaale ahaan:

· Si ay xukuumaddu u ogaato ra’yiga ay dadweynuhu ka qabaan musharraxa xilka madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ugu weyn mujaahid Ahmed Silaanyo iyo magaca uu weli bulshada dhexdeeda ku leeyahay.

· Waxa kale oo iyana dhici karta in hadalkan ka soo baxay masuul ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddu uu ahaa olole ku wajahan doorashada oo xukuumaddu bulshada cod kaga raadinayso. Fikirkuna uu ahaa in haddii Ahmed Silaanyo lagu shaabadeeyo inuu ahaa nin ilaa bilawgii ka soo horjeedey gooni isu taagga Somaliland oo aaminsan nidaamka federaaliga, ay dhici doonto in taageerayaasha xisbigiisu dhabarka u jeedin doonaan, kuna soo biiri doonaan UDUB, midhaheedana uu xisbul-xaakimku guran doono.

· Maadaama ayna xukuumaddu kalsooni weyn ka qabin fursadaha ay shicibka cod kaga heli karto haddii ay doorashadu dhacdo, waxa suurto gal ah in tallaabadan xukuumaddu qaadday ay tahay mid lagu carqaladaynayo doorashooyinka la filayo inay horraanta 2010-ka dalka ka qabsoomaan. Kaddibna ay xukuumaddu tidhaahdo xaaladaha lagu jiro awgeed, suurtogal maaha in doorasho la qabto, ha loo dheereeyo xukuumadda sii haynta talada dalka. Taasoo aynu hadda aragno san-saanteedii, marka laga eego muranka iyo is-maandhaafka waqtigan xaadirka ah ka dhex oogan golaha Guurtida ee la rabo in Saleebaan M.Adan lagaga tuuro xilka guddoomiyenimada.

· Iyo inay tahay arrin lagu jeedinayo dareenka iyo indhaha bulshada Somaliland, marka la eego xaaladaha nabadgelyo ee dalka guud ahaan, gaar ahaanna dilalka iyo falalka arge-gixiso ee qorshaysan ee ka socda gobolka Sool, dilalkaasoo lagu eedaynayo inay ku lugleeyihiin saraakiil sare oo xukuumadda ka tirsani.

Haddaba, maxaa uga hirgalay, xukuumad ahaan weerarradii iyo dacaayadihii qorshaysnaa, madaxweynuhuna horseedka ka ahaa, ee lagu qaadday hoggaamiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Silaanyo? Maxay yihiin faa’iidooyinka iyo magaca uga soo kordhay xukuumadda iyo xisbul-xaakimkaba? Maxaa iska dhimay magacii iyo maamuustii hoggaamiyenimo ee Axmed Silaanyo?

Sida aynu wada dareemmi karno, madaxweynuhu waa masuulka ugu sarreeya ee huwan milgaha iyo sharafta Qaranka Somaliland. Hadalka afkiisa ka soo baxaana, nooc kasta oo uu yahayba, waa mid leh miisaankiisa iyo muhimaddiisaba si weyna uga duwan hadallada ka soo baxa xubnaha kale ee xukuumadda ama dadka caadiga ah. Haddii si kale loo dhigo, hadalka ka soo yeedha madaxweynaha macno badan buu ku fadhiyaa oo wanaagna keeni kara, muran iyo ismaandhaaf siyaasadeedna horseed u noqon kara.

Waxaa muuqata in weerarkii ay xukuumaddu ku qaaday mujaahid Axmed Silaanyo iyo hadalkii madaxweynaha, kii wasiir ku xigeenka Arr. Dibedda iyo haddaladii isburinayey ee ka soo yeedhay wasiirrada ugu dhaw-dhaw madaxweyne Riyaale ay ka soo baxeen arrimo si weyn uga soo horjeeda ujeedadii ay xukuumaddu ka lahayd, waxayna dhaliyeen arrimahan soo socda:

· Magacii iyo sumcaddii la rabay in laga xumeeyo Axmed Silaanyo wax hantaaqo ah ama sharaf dhac ahi ma soo gaadhin. Waxaaba Axmed Silaanyo uu helay hiil iyo gurmad xad dhaaf ah oo ka yimid gobollada dalkoo idil, qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland muxaafid iyo mucaaridba, gudaha iyo dibeddaba.

· Arrintani waxay si weyn uga cadhaysiisay muwaadiniin reer Somaliland ah oo aan iyagu hore xisbina uga tirsanaan jirin, balse iyagu haatan u janjeedha dhinaca xisbiyada mucaaridka. Waxay si weyn u dhalliilayaan madaxweynaha, xukuumadda iyo xisbal-xaakimkaba ayna u arkaan inay yihiin kuwo si cad u dafiraya waxqbadkii iyo nafhuriddii dalkan ay u soo galeen mujaahidiintii SNM iyo hogaamiyihoogii Ahmed Silaanyo, isla markaana u arka inay xukuumadu qas iyo qalalaase hor leh dalka ka abuurayso.

· Hoos u dhac ku yimaadda kalsoonidii shacabku uu ku qabay dawladda, kaasoo awalba ahaa mid ulo booco ah ku tukubayey oo aad u liita.

· Ma jiraan taageerayaal ka soo goostay xisbiga uu Ahmed Silaanyo hoggaamiyo oo ku soo biiray xisbul-xaakimka. Balse waxaa muuqata in xisbiga talada dalka haya UDUB uu arrintan darteed ku lumiyey taageerayaal xoog leh oo xisbiga hore uga tirsanaan jiray, si xad dhaaf ahna ugu sii qul-qulaya xisbiyada mucaaridka.

· Tallaabadan ay xukuumaddu ku kacday waxay dib u soo noolaysay dareenka gocasho ee mujaahidiintii SNM intooda hadda ka nool, kuwaasoo isu arka inaan abaalkoodii la marin iyo waxay mudnaayeen, isla markaana tirsanaya hagrasho iyo dayac baaxad leh oo kaga timid xagga xukuumadda madaxweyne Daahir Riyaale.

· Hadallada madaxweynuhu waxay dhaliyeen doodo iyo dareenno hor leh, waxayna dib u soo nooleeyeen in la raad-raaco loona fiirsado taariikh nololeedka, shaqooyinkii iyo xilalkii ay ka hayeen madaxweynaha iyo xubno ka mid ah xukuumaddiisabu waqtigii halganka lagu jiray taliskii lala dagaallamayey, ay daacadna u ahaayeen illaa geba-gabadii marka taliskii macangagga ahaa laga adkaaday.

Guntii iyo geba-gebadii, madaxweyne Riyaale kama faa’iidin, mana uu mahadin haddalladii is-burinayey iyo habqankii xukuumaddiisa, waxana si cad u muuqda in xisbiyada mucaaridku ay si xarago leh ugaga badiyeen xukuumadda iyo xisbigeedaba siyaasaddii Gudaha iyo Dibeddaba.

Waxyaabahan socda iyo xaalad-abuurka ay xukuumaddu ku tallaabsatayna waxay astaan cad u yihiin awood darrada maamulka Riyaale ku caan baxay laga bilaabo maalintii xilka madaxweynenimo loo dhaariyey. Halkii uu hambalyo iyo bogaadin uga diri lahaa aabaha iyo astaanta nool ee Somaliland(Axmed Silaanyo) oo dhexda u xidhay gudashada xikal qaran ee uu isagu daayacay ayuu Riyaale bilaabay xin, xaasidnimo iyo hinaase baaniyaal uu ku xag-xaganayo mujaahidkii 80-ka cod ugaga tanaasulay, isagana u suurto geliyey inuu noqdo waxa uu maanta yahay, xilka iyo taajka sharafeed ee uu weli u qaadan la’yahay!!

Waxa hubaal ah in Somaliland ay ku jirayso qaska, muranka iyo makeekiga qorshaysan, illaa iyo inta ay xukuumadda Riyaale talada dalka ku takri falayso, ilaa iyo inta uu socdo dulmiga iyo dibin-daabyada qorshaysan ee dadka iyo dalkaba lagu wado, ilaa iyo inta diricyadii dulmiga ka dhiidhiyey ay derbiyada jiifaan oo aysan cidina daryeelayn, illaa iyo inta ninkii dadka dulmiga ka galay uu haddana mar kale ku dedaalayo sidii uu taariikhdaada dahabka daboolka u saari lahaa.

Wa Billaahi Tawfiiq,

By: Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) [UK & Holland]