“Waxa haboon in Qurbajoogu waxay bixinayaan aanu sababin Nabadgelyo-xumo, Xukuumadduna…” Waraysi

“Waxa haboon in Qurbajoogu waxay bixinayaan aanu sababin Nabadgelyo-xumo, Xukuumadduna…” Wasiirka Beeraha Somaliland…….Waraysi

Hargeysa 28, Jan.2010 (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay warar sheegaya inay abaabulayso mudaharaad ka dhan ah imaatinka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo la filayo inuu maalmaha soo socda dalka ku soo laabto.

Wasiirka Beeraha ee Somaliland Aadam Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo shalay u waramay shabakadda wararka Internet-ka ee Ramaas, waxa uu muwaadiniinta Qurbajooga ah ku tilmaamay kuwo aan jeclayn in war fiican dalka looga sheego, dhaqaalena siiya cidda xogta aan wanaagsanayn ka sheegta dalka. Waraysigaas oo uu sidoo kale kaga hadlay waxyaabihii ugu waawayn ee sannadkii dhammaaday Wasaaradda Beeraha u qabsoomay, waxa u qorshaysan, wax-soo-saarka dalka iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan;

S: Wasiir, Xukuumadda aad ka tirsan tahay waxa lagu eedaynayaa inay wado yooyootan siyaasadeed oo hore loo soo afjaray, dacaayadona ay ka fidinayso socdaalka Guddoomiyaha KULMIYE, arrintaas ka waran?
J: Komishan ayaynu u dhiibanay arrimaha doorashada inay waqtiga ku haboon qabtaan, taasoo caalamkuna inagula shaqaynayay, anaguna Xukuumad ahaan aan ka masuul nahay sidii doorashadu ay nabadgelyo ugu qabsoomi lahayd. Waxaan qabaa anigu in Komishanka loo daayo shaqadooda, markaa waxaad moodaa in Mucaaridku ay doco-docaynayaan Komishanka, markii ay waayeen sidii komishankii hore ee iska barbar hadli jiray. Waxaan aaminsanahay inay komishankani yihiin rag shaqadoodii haysta. Markaa waxaad moodaa in markii ay shaqadooda uun ku koobnaadeen la bilaabay doco-docayn iyo in la yidhaahdo Xukuumadda ayaa hortaagan doorashada – markay Guddoomiyeyaashu xisbiyada iyo Xildhibaanada goleyaashu dibaddaha marayaan. Laakiin, waxaan ogahay inaanay dadka u sheegin warar lagu farxo oo ay wadaan uun cayda Xukuumadda, waxaana haboon inay ogaadaan in wadaniyadu ay ka qaalisan tahay wax walba, qofka dibada jooga ayaana had iyo jeer ugu naxdin badan dadka oo mar walba wuxuu ka fikirayaa maxaa ka soo yeedhi. Dadkeena dibada laftoodu waxaan odhan karaa ma jecla warka fiican ee dalka looga sheegayo ee waxay u riyaaqayaan waxa xun ee qofku sheegayo, taasina waa wax Ilaahay laga magan galo, Mucaaridkuna waa inay dadka dibada wax wanaagsan u sheegaan, olalena laguma galo cambaaraynta dalkaaga. Haddii inta aad dibada u baxdo tidhaahdo ‘dalku wuu baaba’san yahay’ waxba ma aad soo kordhin ee wuxuun baad sii didisay, dadka Qurbo-jooga ahina cod ma dhiibaan ee dhaqaale ayay dhiibaan, dhaqaalahoodana dalka qayb ayay kaga qaateen horumarkiisa oo dad badan oo dalka jooga ayaa ku tiirsan lacagta laga soo diro qurbaha. Waxaa haboon oo aan kula talinayaa in waxay bixinayaan aanu sababin nabadgelyo xumo, Xukuumadduna shacbiga ayay ka timid ee cirka kamay soo dhicin – dadkan Xukuumadda ahi waa dadkii shacbiga uun ka yimid. Dadkeenu inta badan way iska xiiso badan yihiine, xiisaha badan waxa ka qaalisan dalka.
S: Wasiir, waxa la idinku eedaynayaa in Xukuumaddu ay doonayso inay xidho siyaasiga Eng. Maxamed Xaashi, xilli dalku doorashu isu diyaarinayo, maxaa looga jeedaa arrintan?
J: Walaahi, anigu ninkaas odayga ah wixii dadku ay sheegayaan uun baan maqlaye, wax gaar ma odhanayo. Ninku haddii uu madaxtinimo doonayo xisbi Mucaarid ha ahaado ama qof shacbi ahba ha noqdee, waxa waajib ah in Xukuumadda jirta loo hoggaansamo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘haddii shaadhkaaga lagugu qabsado waa laga gar baxaa.’ Marka aad doonayso inaad berito wax xukunto, waa inaad xukunka kaa horeeya ayidaa. Gar iyo gardarraba wax waad ku xukumi kartaa bini’aami ayaynu nahay, way ka dhacdaa caalamka oo Xukuumaddaha u waawayn ayaa khalad ku xukuma dadka.
Waxaan leeyahay Maxamed Xaashi, hore waxa loo yidhi nin hulaab-xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa, waxa lagaaga fadhiyaa in wixii aad sheegaysay aad hay’addaha Sharciga ee kuu yeedhay ka hor sheegto.
S: Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ka tirsani waxay sheegen in Xukuumaddu abaabulayso mudaharaad ka dhan ah guddoomiyaha KULMIYE, arrintaa maxaa ka jira?
J: Wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan warkaas sheegaya in Xukuumaddu ay mudaharaad ka dhan ah Siilaanyo ay qabanqaabinayso, arrintaasina waa buuq ay samaysanayaan Mucaaridku.
Xukuumaddu nabadgelyo-darro ma abuurayso ee hadh iyo habeen waxay heegan ugu jirtaa sugida amniga dalka. Guddoomiyaha KULMIYE waa nin murashax ah oo ah Guddoomiye xisbi qaran, qadarin iyo tixgelin ayuu Xukuumadda ka mudanyahay, Xukuumada Somalilandna ma abuurayso mudaharaadyo, wararka arrintaas la xidhiidhaana waa been-abuur cad.
S: Wasiir; warbixin kooban naga sii waxqabadkii Wasaaradda Beeraha ee sanadkii hore ee 2009-ka iyo qorsheyaasha ugu muhiimsan ee sanadkan 2010-ka?
J: Bilowgii sanadka cusub ee 2010-ka ayaynu ku jirnaa, waxaynu maraynaa bishii u horreysay ee January, waxaanu Ilaahay ka rajaynaynaa inuu inoo noqdo sanad khayr qaba oo bashbash iyo barwaaqo ah oo aynu kaga raysano abaarihii iyo dhibaatooyinkii ina soo maray, Icitiraafkiina aynu helno, doorashooyinkuna si wanaagsan oo nabadgelyo ah ay inoogu qabsoomaan.
Sanadkan rejadaydu way fiican tahay oo mooralkaygu wuu fiican yahay, waxaanu wasaarad ahaan qabnaa rajo badan oo ah inaanu helno mucaawimooyin. Runtii hay’addo badan oo caalami ah oo Beeraha ahi ma joogaan, dalka waxa jooga ha’yado yaryar oo maxali ah oo ay ka mid yihiin; ADO, CANDLELIGHT iyo hay’ada DRC oo ah urur caalami ah, laakiin aan Beeraha uun ku koobnayn oo Ceelal yaryar ayay fulisaa.
Ha’yadda FAO ayaa ugu wayn ha’yadaha Beeraha ka shaqeeya, waxaanay qandaraasyo ku siisaa hayaddaha kale, kuwo maxali ah iyo kuwa caalamiga ahba. Rejadayadu Wasaarada Beeraha aad bay u fiican tahay, waxaanu filaynaa inay hay’addo badan oo Beeraha ahi inoo yimaadaan oo ay dadka wax u qabtaan.
Sanadkii hore wax yar dadka looma qaban, aad baanu u shaqaynay, Ceelal badan waa la qoday, mashaariic faro badan oo Beeraha xirfadooda iyo wax-soo-saarkoodaba kor loogu qaadayay waa la sameeyay, sanadkan cusubna waxaanu rejaynaynaa inaanu ka sii badino.
S: Wasiir; Abaaro ba’an ayaa meelo kala duwan oo dalka ah laga soo sheegayaa, markaa maxaa dadkaas loo qabtay?
J: Abaartu dalka meelo badan oo ka mid ah way ka jirtaa, gaar ahaan gobolada Awdal iyo Togdheer oo abaar ba’ani ka jirto, gaar ahaan Biyo la’aan ayaa ka taagan. Horta, waxa loo baahan yahay in qorshe laga samaysto oo sanad walba xilligan oo kale aan qaylo-dhaan lagu dhufan, abaartuna waa mid uu bini’aadmigu keeno iyo mid dabeecadu keento.
Abaaraha dadku keenaan kow ayaynu ka nahay oo Dhirta ayaa iyagoo qoyan la jarjarayaa oo baabuurta la soo saarayaa. Shacbiga waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumada oo keliyi waxba ma qaban kartee, dadku deegaankooda ha ilaashadaan. Dadweynuhu waa inay ogaadaan geedkan la soo gooyay ee qoyani inuu yahay noloshoodii. Maaha in sanad walba la baaqee, waa in dadku isku tashadaan, Xukuumad ahaana awoodeenu aad uma balaadhna, laakiin shacbigu markay nabadgelyo haystaan, shacbiguna waa inay gacan siiyaan, waayo askariga Booliska ah meel walba ma taagna.
S: Ma filaysaa haddii la taageero in beeralayda dalku soo saari karaan cunto dalka ku filaan karta ama qayb ka mid ah ay daboolaan?
J: Horta, cuntada aynu cunaa maba aha cuntada dalka ka soo baxda oo waxa u badan Baasto iyo Bariis. Beeralaydeenu cuntada wadaniga ah ee ay soo saaraan waa Galay iyo Hadhuudh, waxay awoodi karaan inay raashinka ay soo saaraan ku bedeshaan cuntada dibada ka timaada. Beeralaydeena qalab badan waa la siiyay, inkastoo aanu dalka ka jirin baankii horumarintu ictiraaf la’aanta darteed.
Waxa kale oo beeralaydeenu u badan tahay dhinaca Khudrada, horta waxaynu ku filan nahay waa Khudradda, Khudradda dalka taala inteeda badanina waxay ka soo go’day dalka.