Marxuum Xariir Faarax Ducaale oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Allaha u naxariistee waxa maanta Magaalada Hargeysa si heer qaran ah loogu aasay Guddoomiye-xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Xariir Faarax Ducaale oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Marxuum Xariif Faarax oo xalay si kedis ah ugu geeriyooday Magaalada Hargeysa, isla markaana maanta lagu aasay Xabaalaha Naasahablood ee Magaalada Hargeysa, ayaa aaskiisa waxa ka qayb galay Masuuliyiin ka kala socotay Warbaahinta, Madax-dhaqameed iyo dadweyne kale oo tiro badan, ayaa dadkii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo Marxuumka ku tilmaamay mid hab-dhaqankiisa shaqsi iyo saxaafadeed ay ahaayeen kuwo ku dayasho mudan. “Waxaanu wada-shaqaynaynay intii aanu SOLJA ka wada shaqaynaynay, wuxuu ahaa shaqsi cibaado badan oo dhawrsoon, runtiina aan hadal badnayn. Ilaahay waxaynu uga baryaynaa in uu Jannadii ka waraabiyo.” Ayuu yidhi Mustafe.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Xoghayaha guud ee SOLJA Muuse X. Muxumed Guuleed (Inji) oo tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan Saxaafadda Somaliland, isla markaana marxuumka ilaahay uga baryay in uu u naxariisto.

Guddoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh ayaa marxuumka ku tilmaamay nin go’aan leh. “Horta ma jirto geeri lama-filaan ahi, sababtoo ah Geeri Ilaahay baa inagu xukumay oo waynu u joognaa, laakiin waxay ahayd mid kedis ah, Marxuumku wuxuu ahaa Allaha u naxariistee nin sheegi kara waxa uu doonayo iyo waxa uu diidayo..Allaha u naxariisto, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.” Ayuu yidhi Faysal Cali sheikh.

Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah waayeelka Saxaafadda Somaliland oo isna munaasibadda Aska ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Marxuum Xariir Faarax Ducaale waxaanu wada shaqaynay ilaa sanadkii 1993-kii, runtii wuxu ahaa qof cibaado badan oo Salaadda iyo kheyrka ku dedaala, ilaahayna ha u naxariisto.”

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda ee USJ Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wakiilka Somaliland ee Telefishanka UNIVERSAL Khadar Maxamed Cakulle, Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, Xasan Xuseen (Xiis) oo ka mid ah khabiirada Saxaafadda, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan oo ka mid ah Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale oo badan, kuwaas oo dhammaantood Marxuumka ilaahay uga baryay in uu u naxariisto, ehelkii iyo qaraabadiisiina tacsi u diray.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com