Guddoomiye-xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo caawa geeriyooday

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye-xigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xariir Faarax Ducaale, ayaa caawa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu si kedis ah Wadnaha looga haleelay.

Marxuum Xariir Faarax ayaa caawa abbaaro 7:30pm fiidnimo ee saacadda Afrikada bari ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ka dib markii Xannuun dhinaca Wadnaha ahi si kedis ahi u haleelay.

Marxuum Xariir Faarax oo ahaa Guddoomiye-xigeenkii Ururka Suxufiyinta Somaliland ee SOLJA, isla markaana ka mid ahaa ruug-caddaaga Saxaafadda dalka, ayaa la filayaa in beri oo Khamiis ah lagu aaso Hargeysa.

Guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland waxay tacsi u direen ehelkii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Xariir Faarax Ducaale.

INAA LI-LAAHI WA INAA LILAAHI RAAJICUUN

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com