Tacsi: Guddoomiyaha Guddida Doorashada Aabihii oo ku geeriyooday Burco

TACSI

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed oo Aabihii Marxuum Yuusuf Xaaji Maxamed ku geeriyooday Magaalada Burco 26/01/2010, laguna aasay 27/01/2010 magaalada Burco.

Guddoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa, inuu jannooyinkiisa marxuumka ka waraabiyo, Samir iyo iimaana eheladiisa  ka siiyo.

INAA LILAAHI  WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

MD. Muse Bixi Cabdi

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE

Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga