Madaxii baadhista Dilkii Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka oo is-casilay

Hargeysa (Somaliland.Org) Madaxii baadhista Kiiska Dilkii taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka, ahaana Taliyihii Laanta dembi-baadhista ee Gobolka Sool Siciid X. Nuur, ayaa la sheegay in uu iska casilay xilkii Taliyenimo.

Inkasta oo aanay Dawladdu si toos ah uga hadal arrintan, haddana is-casilaadda Taliyihii laanta dembi-baaadhista ee Gobolka Sool Siciid X. Nuur ayaan si rasmi ah looga war haynin sababta keentay, hase ahaatee, Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa siday baahisay Idaacadda madaxa bannaan ee Horyaal, ka aqbalay is-casilaadda Taliyaha dembi-baadhista ee Gobolka Sool.

Dhinaca kale, siday Horyaal baahisay ilaa 30 qof ayaa loo xidh-xidhay qaraxii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Laascaanood, kaas oo sababay dhimashada laba Askari iyo dhaawaca saddex kale. waxaanu Warku intaa ku daray in shalay Aalad kuwa qaraxda ah lagu arkay oo la hordhigay Guriga Maayarka Laascaanood, hase yeeshee, arkii dambe la waayay, isla markaana la garan waayay cidda qaadday.

Dorraad ayay ahayd markii Bam kuwa meesha fog laga hago ahi ay magaalada Laascaanood ku qaraxday Askar Boolis ah, kuwaas oo laba ka mid ahi ay dhinteen, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com