Bandhig Suugaaneed loogu Magac-daray Maalmihii iyo Maansadii Abwaan Timacadde (1920-1973)

Naadiga Akhriska Timacadde (Timacadde Readers Club – TRC) waxa uu ku wargalinayaa Dhamaan Bahwaynta akhriska Jecel In uu Naadigu kuu soo Bandhigi Doono Barnaamij Suugaaneed la xidhiidha Maalmihii iyo Maansadii Timacadde Alle Ha u Naxariistee. Waxa Xaflada la qaban doonaa Habeenka uu Jimcuhu soo galayo ee ay Taariikhdu tahay  07/01/2010. Bandhig Suugaaneedkan waxa soo bandhigaya Qoraaga Caanka ah ee Cabdi Yuusuf Ducaale(Boobe).

Madashu waa  Huteel Askar ee Magaalada Gabiley, waqtiguna waa 7:00 Fiidnimo ee Habeenimada uu Jimcuhu soo galayo. Hadaba inta jecel wax akhriska iyo guud ahaanba Suugaantu sidaasi ha ula socdaan.

Timacadde Readers Clup (TRC) waxa uu dhiiri galinayaa Cid kasta oo jecel inay Wax akhrido, wax Qorto, Suugaan diyaariso,  Buug Soo bandhigto, kana qayb qaadato wacyi galinta Dhalinyarada iyo Dhaqanka Suuban.

Ka soo qayb galkaagu waa Muhim ilaalinta Waqtiguna waa Astaan Ilbaxnimo oo aad leedahay.

Siciid Khadar Cabdilaahi

Timacadde Readers Club

timacaddereaders@hotmail.com


TOP
kaariye104

Barkhad Kaariye

kaariye104 has blogged 1095 posts.
Website: http://www.somaliland.org