Xaaladda Markab iyo Shaqaalihii saarnaa oo muddo 3 bilood ka badan ku xayiran Berbera

Hargeysa, 26 Dec. 2009 (Ogaal)- “Inkasta oo aan si rasmi ah loo soo saarin cidda haysata, haddana sida laga soo xigtay Maareeyaha Dekedda oo aan War caddaan ah ka soo saarin, wuxuu yidhi waxa haysta awood ka sarraysa Garsoorka dalka u sarreeya ee Maxkamadda Sare. Aniga oo Wakiilkii Markabka ah iyo Ninkii lahaa Markabkaniba waxaanu u sawiranay in maalintii uu xukunkaas (sii daynta Markabka ee Maxkamadda Racfaanka Saaxil) soo baxay oo 14 maalmood laga joogo, wixii ka dambeeyay in uu u xidhan yahay si sharci-darro ah ama sifo Budhcad-badeednimo ah.” Sidaa waxa yidhi Rooble Cali Ducaale oo ah Wakiilka Dubai ee Shirkadda Al-Hafouf oo  iska leh Markab muddo saddex bilood ka badan isaga iyo Shaqaalihii saarnaa ay ku xayirnaayeen Dekedda Berbera oo ka hadlay Amar ay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Saaxil ku amraysay sii-daynta Markabkann oo Xukuumaddu iska dhego-tirtay fulintiisa. Waxaanu ka waramay tallaabada Mulkiilaha Shirkaddani ka qaadayo Markabkan iyo Shaqaalaha saaranba.

Rooble Cali Ducaale oo u waramay Wargeyska Ogaal, ayaa sheegay in Markabkan iyo shaqaalihii saarnaa oo 12 qof oo Ajaanib ah oo Dekedda Berbera lagu xayiray 15-kii bishii September ee la soo dhaafay ay Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Saaxil Qoraal ay 14-kii bishan December soo saartay ku amartay Maareeyaha Dekedda Berbera in la sii daayo Markabkaas, ka dib markii ay Wakiilada Markabkan oo lagu magacaabo M.V. LEILA fuliyeen shuruud lagu xidhay oo ahayd in ay dammaanad dhiibaan. Balse, lagu dedafeeyay fulinta xukunkaas awood ka sarraysa Maamulka Dekedda Berbera iyo Garsoorka dalkaba. “Anagu waxaanu u aragnaa in uu Markabkani ku xidhan yahay si qayrul-sharci ah oo lagu ashkataynayo Alaab aan dammaanad lahayn. Markii horena waxa lagu xidhay Warqad ay soo qortay Shirkadda Oomaar, iyada oo aan wax Dacwad ah Maxkamadda ka soo oogin, waxaanay Maxkamaddu amartay in loo hayo Markabka. Dabadeed, Ninka Carabka ah ee Markabka leh isaga oo ixtiraamaya qaynuunka dalka, wuxuu soo maray jidkii sharciga ahaa oo wuxuu raacay Sharciga iyo garsoorka dalka, isla markaana wuxuu qaatay Racfaaan oo wuxuu qabsaday Qareen. Ilaa inta uu Xukunkaasi dhammaanayayna wuxuu u daayay Markabkiisa damaanad ahaan, Maxkamaddii Racfaanku waxay dalbatay in dammaanad la soo dhigo, waxaananu soo dhignay dammaanaddaas, waanay aqbashay. Dabadeed, Maxkamaddu markay dammaanaddii la wareegtay waxay sii daysay Markabkii. intaa ka dib, waxa soo baxay War la leeyahay waxa laga haystaa halka dalka ugu sarraysa.” Ayuu yidhi Rooble Cali Ducaale.

Mar aanu Rooble waydiinay cidda ay aaminsan yihiin inay tahay awoodda ka sarraysa Garsoorka iyo in loola jeedo in Madaxweyne Rayaale tahay cidda awood ahaan ka sarraysa Garsoorka, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Wallaahi, anigu taa ma sheegi karo oo waa wax macruuf ah cidda ka sarraysa Garsoorka dalka oo dhan, waana cid awood gaar ah leh.”

Mar uu Rooble Cali ka hadlayay tallaabada xigta ee ay Wakiiil ahaan iyo Mulkiilaha Markabkaniba qaadayaan, ayaa wuxuu yidhi,  “Ninkii Markabka lahaa wuxuu soo sheegay in maadaama isaga oo ajaanib ah uu xaq-dhawray Shuruucdii dalka u taalay, balse ay Dawladdu ixtiraami wayday qaynuunka ay nasiib-darro tahay. Isla markaana markii la soo faro-geliyay xukunkii Maxkamadda wax dacwad ah oo aan ka sii wadi karaa ma jirto. Sidaa darteed, wuxuu goostay laba arrimood; in shaqaalaha Markabka saaran oo dad Bani’aadam ah oo afar bilood saarnaa laga rogo oo loo diro iyo in Markabka lagu wareejiyo ciddii joojisay amarka Maxkamadda, si ay u siiso ciddaasi ciddii kale ee ay la jeceshahay. Waa arrintaas ta aanu anagu Wakiil ahaan wadnaa hadda, in ciddii awoodda lagu bedelayo amarkii Maxkamadda Dekedda soo amartay lagu wareejiyo Markabka.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Wuxuu ka codsanayaa in loo fududaydiyo in uu labada maalmood ee soo socda Shaqaalihiisa kala dego Markabkaas, isla markaana Markabka loogu wareejiyo Maareeyaha Dekedda Berbera, si uu isaguna ugu sii wareejiyo cidda amarka siisay.”

Dhinaca kale, Qareenka Shirkadda Al-Hafouf Gar-yaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo isna u waramay Wergeyska Ogaal oo ka hadlayay sharciyadda Markabkani ku xanniban yahay, ayaa yidhi, “Imika cid allaala cid haysata iyo sharci lagu hayaa toona ma jirto…”

Gar-yaqaan Maxamed wuxuu sheegay in Shirkadda uu Qareenka u yahay ee Al-Hafouf ay la laabatay dammaanaddii ay ka dhiibtay sii-daynta Markabkan oo ay hore Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Saaxil u aqbashay. “Shirkaddii Markabka lahaa waxay tidhi, markii hore waxaanu aaminsanayn in uu Maxkamad u xidhan yahay, laakiin imika waxaanu aaminsanahay in uu qafaalan yahay oo madax-furasho nalaga doonayo. Markaa waxaanu arrintan u wareejinaynaa Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Imaaraadka, si ay ula xaajooto cidda haysata Markabka. Waanay hakisay hab-wareeggii sharci ee ay wadday, sababtoo ah hadda Caalamku wuxuu aaminsan yahay in ay Budhcad-Badeed haysato. Waanu la noqonay Dammaanaddii, waananu qaadanay, Shirkadduna waxay iga codsatay in mar haddaanay Maxkamaddu waxba taraynin in aan halkaa kaga baxo, waxaanay igu yidhaahdeen waxayagii way afduuban yihiine, waxaanu u maraynaa dariiq kale oo Caalami ah.” ayuu yidhi Maxamed Siciid.

Geesta kale, mar aanu la xidhiidhnay Maamulka Dekedda Berbera si aanu arrintan dhinacooda wax uga waydiino, ayaanay noo suurtogelin in aanu helno.

Markabkan oo lagu magacaabo M/V LEILA, ayaa la xayiray ka dib markii ay Shirkadda Oomaar Int. Co. oo wax ku lahayd Hanti ku gubatay Markab kale oo uu lahaa Mulkiilaha Markabkan xayiran leh, ay dalbatay in la xayiro. Isaga oo Kabtanka Markabkan xayiran M/V LEILA uu qoraal uu soo saaray 17 September oo ku beegnayd laba maalmood ka dib waqtigii la xayiray uu ku sheegay in ay ka go’ayso sahaydii ay siteen Shaqaalaha Markabka saarani, isla markaana ay ku socoto shaqaalaha dhaqaale kharash ahaan gaadhaya 3,000 Dollar maalintii.

Xigasho: Wargeyska Ogaal


TOP
kaariye104

Barkhad Kaariye

kaariye104 has blogged 1095 posts.
Website: http://www.somaliland.org