Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo sheegtay inay Xilkii ka qaadday Mr. Fagadhe

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, ayaa sheegtay in ay si ku-meel-gaadh ah xilkii wareejisay Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe), isla markaana ay qoraal u dirtay Wasaaradda arrimaha dibedda Faransiiska.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda, kuna saxeexnaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddaas Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse),  Wasaaradda khaarajiga Somaliland waxay xilkii wakiilnimo si ku-meel-gaadh ah uga qaadday Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) oo ah Wakiilka Somaliland ee Faraniiska, waxaana loo sii dhiibay Cali Ismaaciil Xasan oo ah Xoghayha koowaad, ahna Wakiilka Ganacsiga.

Warsaxaafadeedkaas waxa lagu sheegay in maadaama uu xanuunsanayo Fagadhe, xilkaa loo sii dhiibay Cali Ismaaciil, isla markaana dib loogu wareejin doono xilka haddiiba uu caafimaado.

Waxaanu Warsaxaafadeedku u dhignaa sidan;

“Waxa Wargeyska Jamhuuriya caddakiisii 4058 ee soo baxay Arbacadii ay bishan December  ahayd 23  2009 lagu soo daabacay war Cinwaankiisu ahaa “XUKUUMAADDA MADAXWEYNE RAYAALE OO SI QARSOODI AH XILKII UGA QAADAY SAFIIRKA SOMALILAND U FADHIYA DALKA FARANSIISKA”.  Waxa kale oo jirtay in war nuxurkiisu sidaas oo kale yahay iyana lagu soo qoray ama lagu soo daabacay shabakadaha wararka ee ‘internet’-ka qaarkood.  Haddaba, arrintaasi ay wasaaradda arrimaha debedda ku kaliftay in ay war-saxaafadeedkan soo saarto.

Wasaaradda arrimaha debbadda waxa caddeynaysaa  ama biniinixinaysaa in warkaasi sida loo sheegaayo aanu u ahayn waxna uga jirin.  Sir iyo Caad toona wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay Safiir Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) aanay  haba-yaraate u jirin ogaalkayo.  Balse, waxa jirtay qoraal afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Note Verbale’ oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda taariikhdu markay ahayd 19 October, 2009  taas oo lagu war geliyay wasaaradda arrimaha debedda ee Faransiiska  in wakiilkii xafiiska Somaliland ay ku lahayd Paris uu buko ama xanuunsanaayo inta uu ka soo caafimaadaayana uu xilkii sii wada doono ama uu ku-sime ka ahaan doono xafiiska  Cali Ismaaciil Xasan oo ah Xoghayha kowaad ahna Wakiilka Ganacsiga (First Secretary and Commercial Attache’) xafiiskaasi.  Taasina ma ah wax naadir ku ah nidaamka shaqada xafiisyadda in marka mas’uul ama madax xafiis xanuusado, fasax tago, xil ka qaadis lagu sameeyo in mas’uulka xafiiskaasi ee ku xige ama xeerka iyo sharcigu u ogolaanaayo loo magacaabo ku-simaha xafiiskaasi. Waxa wasaarad ahaan nala gudboon in qoraal war-gelin ah oo denbe oo shaqo ku laabasho ah aanu sameyn doono mar alaalee iyo markii uu safiir Maxamuud soo roonaado oo xaaladiisa caafimaad wax iska bedelaan.

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee JSL waxa Safiir Maxamuud Saalax Nuur  (Fagadhe) uu ka mudan yahay sharaf, ixtiraam, qadarin, iyo maamuus maadaama uu ka mid ahaa wasiiraddii soo maray wasaaraddan, iminkana uu xil ka hayo.  Nagama mudna ama nagama qabato in xilka looga qaado sifo sharciga, nidaamka, anshaxa iyo asluubta dub-lamaasiyadeed intaba baal marsan.  Waqtii loo magacaabaayay Safiir Maxamuud xilkan uu hadda hayo ee ah wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska looguma magacaabin si qarsoodi ama suuq madow ah, wax loo yidhaahdo si qarsoodi

ah ayaa xilkii looga qaadayna iyadda oo aanay jirinba maanu garan! Balse waxa ay noola muuqataa in ay tani ka mid tahay shirqooladda cadowga Somaliland ee uu rabo in shaki, fidno, cuqdada, naxli, iwm uu ku  dhex tuurayo bulshadda iyo ummadda reer Somaliland si uu u wiiqo midnimadooda iyo wada-jirkooda.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com


TOP