Bandhiggii buugga: Politics of Cain- one hundred years of crisis in Somali society and politics

Soomaalidu ma ka bixi kartaa siyaasadda “Qaabiil ba Haabiil markuu qoonsaduu dilaye?”

Buugga Politics of Cain oo uu qorey Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa markii ugu horraysay lagu soo bandhigay magaalada London, Axad 20kii Diisambar 2009. Buuggan oo dhowaan soo baxay, waxa goobta lagusoo bandhigay isugu yimi dad badan. Furitaan iyo soo dhawayn kadib waxa Maxamed Maxamuud uu madasha ku soo dhaweeyay Dr Abokor oo hadal kooban ka yidhi qoraaga buugga. Prof Bulxan waa dhaqtar ku xeel dheer cilmi nafsiga, waxaa uu waxbarashadiisa sare ku soo qaatay jaamacadaha Wesleyan University, Boston University iyo Harvard University, isaga oo bare sare ka soo noqday Jaamacadda Boston.
Dr. Abokor wuxuu ka faallooday sida Barofaysarku dhammaadkii 70nadii iyo 80nadii uu dhallinyaradii kolkaas siyaasadda dhanka bidix u janjeedhay ee waddanka dibeddiisa joogtay hormood iyo halyey ugu ahaa; “Waxaanu akhriyi jirney oo ka doodi jirney qoraalladiisa, waxayna noo ahaayeen wehel, wuxuuna noo ahaa qof aan damiirkiisa ku dayanno”

Soo dhaweyntaas ka dib wuxuu qoraagu u galay oo uu ka bilaabay cinwaanka oo ah mid markii ba maanka qofka soo jiidanaya; “waxaan ka duulayaa is ahaanshaha Soomaalida; si walba ha u kala degganaadeen, ha na u kala dawlad duwanaadeen, waa isku isir, af, diin iyo dhaqan. Sababtaas ayaan ugu bixiyay Politics of Cain- One hundred years of crisis in Somali society and politics, waa walaalo is laynaya” ayuu dadweynihii dhegaysanayay ugu qeexay.

Prof. Bulxan intii aanu gudagelin buugga waxa uu xusay inuu iminka ku sugan yahay Somaliland. Goobtaas wuxuu marka hore u tegay gurmad waagii ololaha nabadaynta Somaliland, kolkii gaadhay na wuxuu tilmaamay inuu ku negaaday ka dib markii aan dareemay buu yidhi in aan qaban karo wax macne weyn ku fadhiya oo dhaafsiisan shaqo, baabuur iyo guriweyn.

Indheergarad la’aantu waa mawduuca buuggu ku qotomo. Bulxan wuxuu xusay aqoonyahanka Soomaaligu sida oo isku indhotiro ama xaqiiqda isku diidsiiyo. Wuxuu na siiyay tusaaleyaal uu ka mid yahay mid uu la kulmay waagii nabadaynta Somaliland; “maalin aannu shir iskugu nimid goobtan Oxford House oo dagaallo ba’ani na ka socdeen waddankii, ayaa waxa nala soo hor dhigay ajandahii shirka. Waxaa ugu sarreeyay agendaha ‘the Somali politics before 1960’ iyo ‘The voting pattern under the colonial time’. Markii aan weydiiyay “Waa maxay waxani dhiiggii dadkeenna ayaa daadanaya ee aan ka hadallo, waa dad isyaqaan show, waa dad ku heshiiyay yaan laga hadlin wax ba, gacanta ayay iskula tageen oo laba labo isku dileen. Iskaga noqda ajandihiinnii ‘The voting pattern under colonial rules’ ayaan ku idhi”.

Muxuu ka yidhi dhibaatada Soomaalida hadhaysay boqolkii sano ee la soo dhaafay? Muxuu se xal u arkaa?

Buugga Politics of Cain- One hundred years of crisis in Somali society politics wuxuu qoraagu isku dayayaa in uu ka warceliyo dhawr weydiimood.

Maxaa keena in qaabdhismeedka dawladnimo ee u shaqaysa dadyowga kale uu mar wal ba ugu abuuraa Soomaalida burbur iyo qalalaase? Qayb intee le’eg ayay ku leeyihiin hormoodka bulshadu ku celcelinta ama dib u abuurka halaaggaas? Sidee bay u aqoonyahanku hab beeleedkii gumaystuhu ku shaqaysan jiray ee bulshada ku cadaadin jireen uga faa’iidaysteen? Waa maxay se sababta markasta oo yididiilo u iftiinto bulshadooda ay u damiyaan iftaankaas, dadweynaha na cagta hoosteeda u geliyaan, una dhiciseeyaan himalada ummadda?

Maxaa buu qoraagu ina leeyahay Soomaalida oo taariikhiyan isku fillayd u noqotay maanta dad ku nool xasanaadka adduunweynaha, maxay se u berriinsatay ku kicista falal mar wal ba danteeda ka hor imanaya?

Wuxuu aad ugu dheeraadey in ay lama huraan tahay in hadimada iyo dhibaatada Soomaalida laga eego taariikh ahaan sida u ay u aasaaseen hab-dawladeedkeedu, kaas oo uu bud dhigay gumayste, iyo qaabka uu gumaystahaasi u adeegsanayay habka reeraha.

Aqoonyahanka iyo hormoodka Soomaalidu wuxuu qaatay uun qaabkii gumaysiga ee oo ay weli ba ku ladheen xirfaddii ay ku dhex koreen ee dhaqanka iyo xeerarka bulsho reereedkii Soomaalida. Isla falgalka labadaas aragtiyood ee aad u kala durugsan ama is ogolaysiintoodu waxa uu abuuray bulsho mar walba ku jirta deganaansho la’aan, colaad iyo qalalaase aan dhammaanayn.

Qoraagu wuxuu ku andacoonayaa sababta ugu weyn ee ay u dhalanweyday dawlad Soomaaliyeed oo u shaqaysa ummada ay masuulka ka tahay in ay saldhig u tahay in: hormoodka ama dabaqadda sare ee Soomaalidu aanay ahayn indheergarad ama aqoonyahan sida adduunka kale; waa dabaqad adeegsata, leh na awooddii hormoodka se aan lahayn aragtidii indheergaradka. Dabaqaddan oo ku guulaysatay inay dhaxlaan isticmaalaanna aragtiyadii gumaysiga iyaga oo ku ladhaya xeerarka bulshada u yaala kuna xeeldheer unkidda iyo abuurista haykallo ka horyimaadda danaha iyo horumarka Soomaalida.

Faalladii Prof Xuseen Cabdilaahi Bulxan kadib waxa qoraaga su’aalo weydiiyay Shiikh Maxamuud Shiikh Dalmar, isaga oo ka duulaya boobka iyo baabi’inta ay siyaasadda Soomaalidu ku salaysan tahay; “Miyaanad suurtagal u arkayn in ay aasaasanto siyaasad Soomaaliyeed oo damiir iyo iimaan ku salaysan, oo qofka fahamsiisa in aanu saddex nafar wax ka badan u baahnayn maalintii?
Waxa kale oo iyana la weydiiyay; suurtagal ma tahay in sida reer galbeedku ugu guulaysteen kala saarista siyaasadda iyo kiniisadda in Soomaalidu na u kala saaraan siyaasadda iyo qabiilka oo la kala gooyo?

Qoraaga waxa uu ka afeeftay inuu bixiyo warcelin kamadambays ah, maaddaama oo buuggu ku saabsan yahay ugu horayn dib u jalleeca taariikhda Soomaalida si wax looga barto iyo waxa ka qaldan. Haddana waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la helo sidii loo wiiqi lahaa kaalinta qabiilka oo marka laga tago dhinaca isku tiirsanaanta dhaqaale, dhinaca siyaasadda u noqday Soomaalida jimicsi sida kubadda lagu warwareego ka hadalkiisa iyo sidii reer hebel la isaga dhicin lahaa. Markaas waxaa loo baahan yahay in dhinacyaaad badan laga xoreeyo dadka.

Buuggani ka taariikhaynta ammuuraha soomaaliga marka laga tago waxa oo qaawinayaa damiir xumada iyo madhnaanta iimaan hormoodka bulshada Soomaalida; su’aasha ka soo baxaysana waa sidda ay Soomaalidu u xalaalaysatay dhiigga iyo dhagarta qofba qofka oo ka xoog badan yahay ama oo isleeyahay waxbuu kaa haystaa aad adigu xaq u leedahay sida ka muuqata weedhan halku dhaga u noqotay Soomaalida “Qaabiil ba Haabiil markuu quunsaduu deliye.”

Ayaan M. Cashuur

Ayan_mahamoud@kayd.org


TOP