Xukuumadda oo mar kale shaacisay maal-gelin lagu samaynayo Dekedda Berbera
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dhawaan heshiis maal-gashi la saxeexanayso Shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska oo maal-gashi ku samayn doonta Dekedda Berbera.
Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Bloomberg, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa sheegay in Shirkadda Ballore Africa Logistics oo laga leeyahay dalka Faransiiska ay dhawaan heshiis qiimihiisu dhan yahay $700-Milyan (Toddoba boqol oo Milyan oo Dollar ah) oo lagu maal-gelinayo Dekedda Berbera la saxeexan doonaan. “Wada-hadalladayadu waxay marayaan marxalad gebogebo ah, waxaananu hore u galnay aasaaskii heshiiska.” Sidaa waxa Bloomberg u sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland oo ku sugan Addis-Ababa. Waxaanu Wasiirku sheegay in Wakiilada Shirkadda Ballore oo uu leeyahay Maal-qabeen dhalashadiisu Faransiis tahay oo magaciisa la yidhaahdo Vincent Ballore ay kulan la yeesheen Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana heshiiskan la saxeexi doono sanadka soo socda ee muddada koobani ka hadhsan tahay.
Maaha markii u horraysay ee ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale sheegto in Shirkado shisheeye ay maal-gashi ku samaynayaan Dhul Somaliland ka mid ah, hase ahaatee, waxaan ilaa hadda suurtogelin maal-gashi uu Madaxweyne Rayaale sheegay inay Shirkado ajaanib ahi ku samaynayaan dalka oo ay dhisayaan saddex Wershadood oo ay ka mid tahay Wershadii Sibidhka Berbera oo uu dhagax-dhigay, balse aan hirgelin.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
