Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya oo Khudbad ka hor jeediyay Baarlamaanka Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin iyo Weftigii uu hoggaaminayay, ayaa maanta khudbad u jeediyay Mudanayaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland oo wada-jira.

Fadhigan maanta oo ay wada-jir u shirguddoominayeen labada Shirguddoon ee Wakiilada iyo Guurtidu, isla markaana ay goob-joog ahaayeen Mudanayaasha labada Aqal Baarlamaan, ayaa khudbad dheer oo uu Faarax Macallin ka jeediyay wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo Somaliland iyo Somalia khuseeya. “Waxaanu idiin sidnaa hambalyo iyo farxad, inkastoo markaad gudaha ku jirtaan ee aad isu-muuqataan aydaan u malaynayn in hadalkiinu meel fog gaadhaynin, laakiin had iyo jeer Kubadda qofka dibedda ka jooga ayaa garan karaya sida loo ciyaarayo, markaa anaga ayaa dibedda idinka joognay oo idinku hambalyaynaya nabaddii aad muujiseen.” Ayuu yidhi Faarax, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Dhismihii Bulshada, Maamulka iyo Siyaasadda oo kaliya aydaan tusin in aad samaysateen ee aad tusteen in aad ka dambaysaan oo aad sharafta dalkiina iyo nabaddiina aad ilaashataan.”

Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax wuxuu sheegay oo kale in ay dawladdiisu diyaar la tahay wax kasta oo ay Somaliland tari karto. “Inagu waxaynu ku nool nahay hal Tuulo ah, mar haddaynu isku af ku hadalnana xanuunkiinuna Xanuun buu noo yahay, wanaagiinuna wanaag buu noo yahay. Haddaanu reer Kenya nahay waxaanu idiin sheegaynaa in wax alla waxaanu idinku tari karno ee nabadgeliyadiina ama Dimuqraadiyaddiina lagu sugi karo aanu diyaar u nahay.” ayuu intaa raaciyay. Waxaanu dhaliilay falalka ka taagan Koonfurta Soomaaliya.

Mar uu Faarax ka hadlayay aqoonsiga ay Somaliland iyo dedafaynta aqoonsi Somaliland hesho ee Kooxaha Koonfurta Soomaaliya wuxuu yidhi, “Nimanka Xamar awood ma leh oo waxba ma hayaan, xorriyadna ma leh ay wax ku sheegaan oo ay ku yidhaahdaan Somaliland ma go’I karto.” Ayuu yidhi Faarax.

Mar uu ka hadlayay Dalalka reer Galbeedka iyo qaddiyadda ay ka aaminsan yihiin Somaliland, ayaa wuxuu yidhi, “Reer Galbeedka iyo dalalka shisheeyaha oo dhana ha u qaadanina inay wanaagiina wada wadaan, wanaagiina lama wada rabo. Marka nin gaal ahi idiin yimaado oo  idin yidhaahdo sidan yeela waxaasi dimuqraadiyad ma ahee waxay rabaan inay idin burburiyaan. Isku tashada ayaan idin leeyahay. Dabayaaqadii 2007-dii illaa bilowgeedii  2008-dii wixii Kenya ka dhacay waad ogaydeen. Guddidii dib u heshiisiinta waxa ku jiray oo wadamada galbeedka ka imanayay oo intay noo yimaadaan ayay Anaga nagu odhanayeen idinkaa sax ah, kuwa kalena waxay ku odhanayeen idinkaa saxa ee halkiina ku taagnaada, waxay sugayeen inaanu is layno, illaa markii ugu dambeysay labadii nin ee ugu sareeyay ay yidhaahdeen waar waynu burburaynaa haddii aanu sidan ku sii socone’e aan heshiino. Waxaana la sameeyay dawlad loo dhan yahay waxaana la badbaadiyay dalkii.”

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiye-xigeenka Guurtida Nuux Axmed Furre iyo X. Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo Weftiga uga mahad-naqay booqashadan, waxaanu X. Cabdi-Waraabe dib ugu noqday sooyaalkii taariikheed ee Somaliland.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com


TOP
kaariye104

Barkhad Kaariye

kaariye104 has blogged 1095 posts.
Website: http://www.somaliland.org