Wasiirada Xukuumadda ee Dibloomaasiyadda is-bida & Fadeexad hadhaysay soo-dhawayntii Weftiga Kenya
Hargeysa (Somaliland.Org)- Waxay goobta yimaaddeen saacado ka hor waqtigii ay halkaa soo gaadheen ciddii la sugayay. Tiro ahaan ma yara, waa ilaa toddoba Masuul oo isugu jira Wasiiro iyo Shirguddoonka Wakiilada. Inkasta oo ay waqti badan fadhiyeen, haddana sida caadiga u ah dad ka badan 2 qof oo meel isugu yimi, waxay intaa wadaagayeen sheeko, taas oo ay hadba baal ka rogayeen.
Wasiirrada, Maaliyadda Cawil Cali Ducaale iyo Arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo labadiisa Guddoomiye-xigeen, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintaas. Waxa wehelinayay Safiirka wareega ee Somaliland Maxamed Aar.
Madashu waa Qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa iyo naawilaadda soo-dhawaynta Wefti ka socda Kenya. Abbaaro 1:15 duhurnimo ee shalay ayay Garoonka Diyaaradaha ee soo cago-dhigatay Diyaaraddii ay la socdeen ciddii la sugayay oo ahayd Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo ka socda Baarlamaanka Kenya. Masuuliyiintaas ayaa ka dib markii ay muddadii ay Diyaaraddu fadhiisanaysay saf ugu jireen hab-maamuus soo dhawayn madaxeed, waxay si siman iyaga oo saf u socda u dhaqaaqeen dhinaca Diyaaradda. Laba Askari oo ka mid ah ilaalada Masuuliyiinta Somaliland, ayaa dhinaca diyaaradda ula dhaqaaqay Calan, balse shirguddoonka Golaha Wakiilada, ayaa la hadlay, “Askarta ka qaada Calanka oo qolka nasashada ku celiya.” Waa qaar ka mid ah ereyadii lagu amray in Calankaas la geeyo qolka nasashada ee Weftigan loo diyaariyay. “Ku soo dhawoow Somaliland.” waa nuxurka ereyo badan oo ay masuuliyiinta Dawladda Somaliland u jeediyeen Weftiga ka socday Kenya, waxaanay soo dhawayn kal iyo laab laysku qaabilay ka dib, Weftiga iyo masuuliyiinta soo dhawaynayay waxay u jihaysteen dhinaca Qolka nasashada ee dhawaan lagu kordhiyay Madaarka Hargeysa.
Daqiiqado yar ka dib markii ay Weftiga Kenya iyo Masuuliyiinta Somaliland galeen gudaha Qolka nasashada, iyaga oo aan badankooduba sal-dhigin, ayaa qaar ka mid ah adeegayaasha Wasiiradaas meel aan sidaa uga fogayn halkii ay Weftigu fadhiisteen oo qolka dhexdiisa ah ka soo qaadeen Calankii hore loogu amray in la celiyo, waxaanay ku kala bixiyeen meel Kursiga uu fadhiyay Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya kaga beegan dhabarka, taas oo nuxurku ahaa in Calanku ka muuqdo Kursiga dhabarkiisa, maadaama Guddooomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland dhiniciisa uu qotomay Calanka Somaliland. ma xuma waa hab-maamuus Madaxeed iyo astaamaha qaabilaadda Masuuliyiinta Caalamka, hase ahaatee, markii Calankaas si hagrasho-la’aan ah loo kala bixiyay, ayaa waxa mar kaliya bilaabmay hugun iyo hadallo hoose oo Masuuliyiinta Somaliland qaarkood ku xanshashaqayaan. “Calankani waa kee…Miyaanu Calankii Kenya ahayn..Maaha..” iyo tibaaxo kale oo badan oo si halhaleel ah loo yidhi, waxay ka mid ahaayeen weedho ay isweydaarsadeen Masuuliyiintii Xukuumadda ee ku baraarugay Calanka isugu jira middabada Huruudda, Akhtarka ama Cagaarka, Casaanka iyo xiddiga madow ee dhexda kaga xardhan isugu jira ee la kala bixiyay ee dul hoganaya Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya. “..Waar ka dul qaada, yaa meesha keenay ee inoo keenay.” Ayaa xigtay oo mid ka mid ah madaxda Somaliland ee soo-dhawaynta Weftiga goobta u joogay ku tiraabay.
Ujeedadu waxay ahayd in Weftiga lagu soo dhaweeyo oo goobta loo sudho Calanka dalkooda Hooyo ee Kenya, sida sawirka madaxweynahooda Mwai Kibaki-ba uu u ag-yaalay waqtigaa sawirka Madaxweyne Rayaale, hase ahaatee, taa bedelkeedii waxa madasha la kala bixiyay oo lagu soo dhaweeyay masuuliyiintan Calanka Dalka Itoobiya. Hase ahaatee, Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Mr. Faarax Macallin iyo xubnaha Weftiga la socday, ayaan dareen xooggan siinin arrintan.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
