Wefti ka socda Baarlamaanka Kenya oo booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, ayaa maanta booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Weftigan oo ay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyeen Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland, Xildhibaanno Golaha Wakiilada ka tirsan, Wasiirro Maayarka Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somaliland, ayaa la sheegay inay la kulmi doonaan Madaxda Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada Weftigan, waxaanu xusay in Somaliland iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer, isla markaana dadkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee Caasimadda Kenya ee Nairobi degaa ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen Somaliland.

Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo Warbaahinta wax ka waydiisay sababta socdaalkooda, ayaa sheegay in ay tahay booqasho la xidhiidha Somaliland iyo sidoo kale xog-ogaal u noqoshada Qaxootiga ka soo qaxay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Waxaanu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashadan.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale oo isna hadal soo-dhawayn ah halkaa ka jeediyay, ayaa sheegay in Weftigani loo baahan yahay in ay dalkooda gaadhsiiyaan arrimaha Somaliland iyo tallaabooyinka horumarka leh ee ay ku tallaabsatay dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda.

Weftigan ayaa isla maantaba la kulmay Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Rayaale.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com


TOP