Warsaxaafaded: Xil wareejin Xafiiska Kulmiye ee Australia
war saxaafadeed
Xil wareejin Xafiiska Kulmiye ee Australia
Gudiga fulinta ee xisbiga kulmiye ee Australia ayaa maanta xilkii ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii garabkaasi kulmiye . Mr. xasan Axmed ( Halac), kadib markii shir ay maanta iskugu yimaadeen lagu go amiyay inaanu xilkaasi gudan karin isla markaana, gudiga fulintu si guud iskugu raaceen in gudoomiye ku xigeen cusub loo magacaabo Mr. Siciid Cali Gurey, oo ka mid ah hormuudka xisbiga Kulmiye ee wadanka Australia.
Shir ay maanta iskugu yimaadeen xubnaha gudiga fulinta iyo qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan dalkaasi oo lagu qabtay xafiska kulmiye ee magalada Sydney, oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Kulmiye ee Australia Mr, Mustafe Axmed SH. Cismaan. ayaa lagu falan qeeyay wax qabadka iyo kaalinta garabka Australia ee reer Kulmiye, iyadoo la isla gartay in xisbiga kulmiye oo diyar u yahay in dalkii laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah i wakhti dhaw sla markaana uu xisbiga kulmiye daaha ka rogo taageerada ay u hayaan shacbiga somaliland gudo iyo dibedba, ay lagama maar maan tahay in la dar dar galiyo hawlaha xisbiga iyo garabyadiisa qurbahaba sidaas aawadeedna ay muuqatay in Mr; xasan Axmed Halac oo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka kulmiye ee Australia uu gudan waayay xilkii iyo hawshii ay u igmadeen umadu isla markaana uu dib u socod ku keenay hawlaha xafiiska iyadoo ay muujiyeen xubnaha gudiga fulintu inaanay la shaqayn karin xubintan oo ay u arkaan inuu xafiiska ka dhex wado dano kale oo u adeegaya xisbiyo kale.
Sidaasi aawadeedna la isku af gartay in xilka laga qaado Xasan Axmed Halac gudomiye ku xigeenkii hore, halka Siciid Cali Gureyna maanta loo magacaabay inuu noqdo gudomiye ku xigeenka cusub.
Xafladan oo islma maantaba xilka lagula kala wareegay ayuu hadal kooban ka soo jeediyay gudomiye ku xigeenkii hore ee xilka laga qaaday isagoo ku amaanay gudiga fulinta iyo xubnaha gudiga kulmiye ba sidii ay ula shaqeeyeen mudadii uu xilka xafiiska hayay, isagoo gudomiye xigeenka cusubna u rajeeyay in ILAAHAY xilka u fududeyo,
Siciid Cali Gurey gud/ xigeenka cusub ayaa isaguna ka codsaday xubnaha gudigu inay ula shaqeeyaan sidii hore si la mid ah isagoo Xasan Halacna ka codsaday inuu taageeradiisa waayo arganimo la garab istago.
Gabo gabadii shirkan waxa ka hadlay Gudoomiyaha kulmiye ee Australia Mustafe Axmed Sh. cismaan, oo ku dheeraday himilad xisbiga iyo kaalinta ay qurba joogu ka qaadan karaan ka midho dhalinta hayaanka geediga dheer ee uu xisbiga kulmiye ugu jiro sidii dalka isbedel muuqda looga samayn lahaa isla markaana xisbiga kulmiye ugu guulaysan lahaa talada dalka, sidaas aawadeedna la dar dar geliyo hawlaha xafiiskan.
isagoo gudoomiye ku xigeenka cusubna ku booriyay inaanu dhayalsan hawsha loo igmaday iyo doorka looga baahan yahay.
Wa Bilaahi Towfiiq:
Xafiiska kulmiye Sydney
