Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga u taxaabtay Xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa sheegay in Xukuumaddu xidhay xubno ka tirsan Xisbigooda iyo qaar ka mid ah taageerayaashooda.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Keyse Xasan Cige ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Tog-wajaale Axmed-Dacaw uu xidhay xubin ka tirsan Xisbigooda. “Taliyaha Wajaale, Ninka Axmed-Dacow la yidhaahdo ayaa galabta (shalay) xidhay oo Xabsiga dhigay xubin ka tirsan Xisbigayaga oo magaciisa la yidhaahdo Cabdilaahi Maxamed Axmed.” Ayuu yidhi Keyse Xasan.
Mar la waydiiyay sababta loo cuskaday xadhigga Xubintan, ayaa ku jawaabay oo yidhi, “Markaan waraystay kollay waad garanaysaa oo waa niman Mucaarad ah oo wax loogu marmarsoodo la waayi maayo, laakiin qofka waa la xidhi karayaaye waxa ugu wayn ee loo baahan yahay waxa weeye in loo maro sifaha iyo nidaamka sharciga ah sharciga ah. sababtoo ah, aniga oo aan Maxkamadda Warqad ka soo qaadan kuma xidhi karo adiga oo Suuqa jooga. ilaa haddana Maxkamad lama keenin, waanu xidhan yahay.”
Dhinaca kale, Warsaxaafadeed uu Xoghayuhu soo saaray, ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu ay xidhay qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbigan.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaa maalintii Khamiista ee bishan December aheyd 17, sannadka 2009 ciidamada Boolisku ee Gobolka Saaxil qabteen ninka la yidhaahdo Cali Maxamad Muuse (Cali Ha La Kaco) kana qabteen magaalada Berbera, Xarunta Gobolka Saaxil.
Ninkaasi oo ah taageere Xisbiga Kulmiye ah waxaa amarka xadhigiisa bixiyey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub, isagoo markaasi ku sugnaa Berbera. Ninkaasi oo hadda aan la hor keenin Maxkamad sharciya oo aan loo qabanin garyaqaan waxaa loo gudbiyey jeelka waxaana loo geestay dhaawacyo isagoo la garaacay.
Waxaa kaloo ninkaasi lagula kacay falal aad u xun oo uu kamid yahay iyadoo loola soo baxay Baastoolad, loona hanjabay mudadii uu marayey jidka u dhaxeeya Qowta iyo Berbera, halkasoo uu kaga qeybgalay xafladii wanqasha ee Degmada cusub ee Qoyta Bari.”
Hadaba waxaanu canbaareynaynaa xadhiga ninkaasi lagu fuliyey iyo waliba dhaawaca loo geestay. Waxaanu u soo jeedineynaa ciidamada iyo xukuumadaba inay muwaadinkaasi usoo celiyaan xorriyadiisa, si sharciga waaqfasana loo baadho arrintiisa.
Waxaynu wada ognahay inaanay aheyn markii ugu horreysay ee xukuumadu kula kacdo tallaabooyinka noocaasiya oo kale ah xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, ee ay caadeysatay garaaca, xadhiga iyo dilka xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga; haseyeeshee waxay taasi sii kordhinaysaa dareenka iyo naceybka shacabku u hayo Xukuuumada iyo keli-talisnimada qaawan ee lagula kacayo muwaadiniinta aan waxba galabsanin ee Somaliland.”
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
