Komishanka Doorashooyinka oo dalbaday in Ciidamo amni-sugid ah la geeyo Xarumaha Axsaabta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Komishanka Doorashada Somaliland, ayaa Qoraal uu u diray Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad ka dalbaday inay Ciidamo geeyaan Xarumaha saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo UDUB, si ammaankooda loo sugo si siman.

Qoraalkan oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Komishanka Doorashada Ciise Yuusuf X. Maxamed (Xamari), isla markaana uu ogaysiinta siiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maayarka Caasimadda Hargeysa iyo saddexda Xisbi Qaran, ayaa lagu sheegay in maadaama ay Axsaabtu halbowle u yihiin Doorashada ay tahay in si isle’eg loo sugo ammaanka Xarumahooda.

Qoraalkaas oo nuqul ka mid ah Somaliland.Org soo gaadhay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Taliye, iyadoo haatan la gudo-gelayo hawlihii Doorashada Madaxtooyada JSL, waxaanu si xushmad leh idiinka codsanaynaa in si buuxda loo ilaaliyo lana siiyo Ciidan suga ammaanka Xarumaha Axsaabta Qaranka oo ah goobaha muhiimka u ah taabbo-gelinta Doorashada Madaxtooyada, si looga nabadgeliyo cadowga Somaliland ee ka soo horjeeda horumarka, goonni-isu-taagga iyo geeddi-socodka Dimuqraadiyadda.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com


TOP